Xaqiijin: Mid kamid ah dhalinyaradii Trandum ku xirneyd oo Muqdisho laga dajiyay, iyo kuwa kale oo isbuucan la tarxiilo doono.

0
163

Waxaan maalmo kahor soo bandhignay warbixinta dhowr dhalinyaro soomaali ah, kuwaas oo ku xiran xero-xabsiyeedka Trandum. Mid kamid ah dhalinyaradaas ayaa khamiistii lasoo dhaafay loo tarxiilay Soomaaliya, waxaana jimcihii laga dajiyay magaalada Muqdisho.

Wiilkan dhalinyarada soomaaliga ah oo aan khadka telefoonka kula xiriiray ayaa sheegay in aroortii hore ee khamiista la saaray diyaarada Turkish Airlines, ayna sii mareen Turkiga iyo Jabuuti, kahor inta aan jimcihii laga dajin magaalada Muqdisho.

Waxaa safarkiisa ku weheliyay 3 askari oo katirsan booliska Norway, kuwaas oo uu noo sheegay inay kala dageen magaalada Muqdisho.

Soo bixitaankeyga Muqdisho waa laga sii ogaa:

Wiilkan la tarxiilay oo xaas ku leh magaalada Oslo ayaa sheegay in shaqaalaha hey’adda socdaalka ee airportka Muqdisho ay kasii warqabeen tarxiilkiisa, isla markaana loo sii gudbiyay magaciisa. Mid kamid ah madaxda airportka uu magaciisa uu ku sheegay Daa’uud ayuu sheegay in askartii Norwiijiga ahaa ee la socotay, uu u dhiibay warqad saxiixan ,oo uuku cadeynayo inay qaabileen qofkii Norway laga soo tarxiilay.

«Markaan Airportka kasoo dagay, waxaa iga horyimid nin magaciisa aan u maleynayo inuu ahaa daa’uud, wuxuuna igu yiri, ma waxaad tahay ninkii aan sugeynay?. Dadkii horey naloogu keeni jiray wey xirxirnaayeene, adiga maba xirxirnide maxaa dhacay?. Intaas kadib waxa uu warqad u dhiibay ragii i waday, wuxuuna cadeynayay inay i qaabileen». 

Wuxuu kale oo sheegay inaan la siin wax lacag ah oo uu xitaa magaalada ku galo, maadaama laga soo tarxiilay wadankii uu qoyska ku lahaa, lana keenay magaalo cusub.

Wiilkan dhalinyarada soomaaliga ah ayaa sheegay in intii uu kujiray xabsiga Trandum uu qabsaday qareen u dooda, isla markaana ay qoyskiisu u tageen hey’addaha u dooda xuquuqda soo galootiga, sida NOAS. Balse aysan dowlada Norway sugin inta kiiskiisa laga furayo, ayna soo tarxiishay kahor inta kiiskiisu uusan dhinac u dhicin.

Dhalinyarada kale waxaa la soo wadaa isbuucan:

Waxaa xero xabsiyeedka Trandum ku xiran ilaa 5 qof oo soomaali, wuxuuna wiilkan noo sheegay inuu ogyahay in dhamaantood lasoo tarxiili doono isbuucan gudahiisa, ilaa shanta bishan January. Isaga oo sidoo kale sheegay in si kali kali ah loo soo tarxiili doono, isla markaana aan kuligood hal mar la israacin doonin. Inkasta oo kiisaskoodu ay qareeno u qabsadeen.

Waxaan soo wadnaa wareysi cod ah oo aan ka qaadnay wiilkan soomaaliga ah ee la tarxiilay, hadii ay noo suurto gasho. Wixii kusoo korarka arintan, dib ayaan kasoo galin doonaa.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments