Xisbiyada oo maanta u fariistay wada hadalada ay xukuumad kusoo dhisayaan.

0
142

Bartamihii bishii Desember ee lasoo dhaafay ayuu xisbiga Venstre sheegay inuu diyaar u yahay inuu wadahadal ka furo kamid noqoshada xukuumada Erna Solberg ee ka kooban xisbiyada Høyre iyo Venstre. Waxaana maanta oo talaado ah si rasmi ah u bilaabanaya wada hadalada ay xisbiyadan kusoo dhisayaan xukuumada cusub, ayna heshiis ku gaarayaan.

Wadahadalada xisbiyada ayaa maanta ka furmay hotelka Jeløy ee magaalada Moss. Waxaana lagu wadaa in qiyaastii ay socdaan ilaa 15 maalmood, kahor inta aysan soo bandhigin waxa ay ku heshiiyeen.

Venstre: Sadex wasiir oo cusub.

Sida ay ilo katirsan dowlada u sheegeen qaar kamid ah warbaahinta, xisbiga Venstre ayaa lagu wadaa inay xukuumada Solberg ka helaan ilaa sadex wasiir, inkasta oo dadka qaar ay aaminsanyihiin inay heli karaan afar wasiir. Gudoomiyaha xisbiga Venstre Trine Skei Grand ayaa iyadana lagu wadaa inay noqoto wasiirka waxbarashada ama dhaqanka.

Qodobada ugu adag ee la filayo inay dooda ugu badan ka galaan xisbiyadan ayaa waxaa kamid ah mida ku saabsan cimilada iyo deegaanka, iyada siyaasada arimaha soo galootiguna ay kamid tahay doodaha ugu adag ee la filayo inay xisbiyadan galaan. FRP ayaa horey Venstre uga digay inay isku dayaan inay furfuraan siyaasada soo galootiga, iyaga oo cadeeyay inuu FRP kamid noqon doonin xukuumad jilcisa siyaasada adag ee soo galootiga Norway.

Sida ay qoreen warbaahinta qaar, waxaa dhici karta in FRP ama Høyre midkood ay dajiyaan siyaasada soo galootiga, xisbiga Venstre-na loo daayo siyaasada isdhexgalka bulshada.

Sadexda xisbi ee maanta u fadhiisayana wada hadalada xukuumad dhisada, ayaa isla wada qiray inaysan wada hadaladan noqon doonin kuwo fudud. Erna Solberg oo afartii sano ee ugu danbeysay la daalaa dhaceysay isku heynta afarta xisbi ee taageersanaa siyaasad ahaan, ayaa waxaa sugi doono shaqo adag oo ah inay hogaamiso xukuumad ay kamid yihiin labo xisbi oo aragti aad u kala fog meelaha qaar.

Xigasho/kilde:TV2.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments