Germany oo laga dhaqangaliyay sharciga xakamaynta nacaybka ee baraha bulshada.

0
100

Dawladda Jarmalka ayaa billaabaysa dhaqangalinta sharci baraha bulshada ka dalbanaya in ay si degdeg ah uga saaraan hadallada nacaybka ah, wararka been abuurka ah iyo waxyaabaha kale ee sharcidarrada ah.

Baraha aan tirin waxyaabaha «ay iska caddahay in ay sharcidarro yihiin» waxaa laga yaabaa in ay wajahaan ganaax lacageed oo gaara 50 milyan oo Yuuroo. Sharcigan ayaa baraha siin doona muddo 24 saac ah si ay u tiraan waxyaabaha aan sharciga waafaqsanayn ee la soo galiyay.

Baraha bulshada iyo warbaahinnada kale ee ay ku xiran yihiin in kabadan labo milyan ayuu sharcigani qaban doonaa.

Facebook, Twitter iyo YouTube ayaa ah ku uu sharcigani diiradda saaro waxayse u badan tahay in uu qaban doono Reddit, Tumblr iyo barta bulshada ee Ruushka ee VK. Shirkadaha kale ee Vimeo iyo Flickr ayaa laga yaabaa in uu qabto iyagana.

Sharciga Netzwerkdurchsetzungsgesetz (NetzDG) ayaa la meelmariyay dhammaadkii bishii Juunyo ee 2017kii, wuxuuna dhaqan galay horraantii bishii Oktoobar.

Laakiin baraha bulshada ayaa la siiyay tan iyo dhammaadkii 2017kii si ay ugu tabaabushaystaan sharciga NetzDG.

Wasaaradda caddaaladda ee Jarmalka ayaa sheegtay in ay boggeeda soo galin doonto foomam ay buuxin karaan muwaadiniinta ay arrintan khusayso si ay ugu dacweeyaan shirkadaha meel uga dhacaya sharciga NetzDG ama aan wakhtigii loogu talagalay ku tirin waxyaabaha sharci darrada ah.

Sharcigan ayaa shirkadaha baraha bulshada ku qasbaya in ay si degdeg ah wax ooga qabtaan dacwadaha waxyaabaha sharcidarrada ah.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments