Gobolada Hedmark iyo Oppland oo dhawaan la isku dari doono(hal gobol): Maxaa ka dhalan kara

0
221
Abdirisaaq Hassan:
Abdirisaaq Hassan:

Baarlamaanka dalkan Norway ayaa sanadkii hore isku raacay in la mideeyo ama la isku daro qaar kamid ah gobolada Norway. Gobolada Norway oo 19 ah ayaa baarlamaanku meelmariyay in lagu soo koobo 10 gobol. Halkan ka akhri warbixinta arintaas aan horey uga qornay. 

Bilowgii sanadkan cusub ee 2018, waxaa la isku daray labada gobol ee Nord iyo Sør-Trøndelag, waxeyna isku noqdeen hal gobol oo ah Trøndelag.

Waxaa sidoo kale hada socoto dooda iyo prosseska isku darka gobolada Hedmark iyo Oppland oo hal gobol isku noqon doono. Waxaa isbuuca danbe kulmi doono siyaasiyiin ka socoto maamulada labada gobol, waxeyna ka heshiin doonaan qaabka la isugu dari doono goboladaas, iyo sida ay wax u qeybsan doonaan.

Gudiyada loo xilsaaray ee ka shaqeynaya howsha isku darka goboladan, waxaa kamid ah Abdirisaaq Hassan oo kamid ah golaha deegaanka ee degmada Stange ee gobolka Hedmark, isla markaasna kamid ah golaha dhexe ee xisbiga Ap ee gobolkaas. Waxaan Abdirisaaq weydiinay waxa ka dhalan kara, ama saameynta ay yeelan karaan isku darka labadaan gobol.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee ka dhalan karaa ayaa waxaa kamid ah inay aad u kordhi doonto tirada dadka kunool gobolka cusub ee ka dhasha isku darka, isla markaana ay siyaasad ahaan yeelan karto saameynteeda, sida uu sheegay Abdirasaaq.

Waxaan ku heshiinay tirada gudiga maamulka uu yeelan doono gobolka cusub, balse wali waxaa socoto dooda arintaas.

Sidoo kale dhaqaale ahaan wuxuu gobolka cusub noqon doonaa mid yeesha dhaqaale ka xajmi weyn labadii gobol ee hore, waxaana abuurmi kara fursado shaqo oo cusub. Waxaana la mideyn karaa awoodaha labada gobol, si ay isku kabaan dhaqaale ahaan, ayna isaga faa iideystaan.

Waxaan dowlada ka dalban doonaa inay kordhiso adeegyada gobolka cusub, oo waxaan heli karnaa waxyaabo badan oo markii hore Oslo nooga xirnaa. Tusaale ahaan waxaa la wadaa howsha dhisitaanka isbitaal cusub ee Moelv laga furi doono.

Waxyaabaha negativka ah ee ka dhalan kara, waxaa kamid ah in dadka qaar ee u shaqeeya degmooyinka ama maamulka gobolada, ay waayaan shaqooyinkooda, balse waxaa la isku afgartay in arintaas laga taxadaro,  oo dadka meelo kale loo badalo, sida uu Abdirasaaq sheegay.

Sidoo kale waxaa dhici karto in adeegyada qaar ay dadka qaarkood ka fogaadaan, tusaale ahaan wax aad ka heli jirtay Gjøvik ayaa laga yaabaa in Hamar ay hada kaaga xirnaato.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments