torsdag, april 25, 2024

Gobolada Troms iyo Finnmark oo la isku darayo, hal gobolna isku noqon doono

Go´aan ay gaareen gudi hoosaadka baarlamaanka ee qaabilsan deegaanka, ayay ku sheegeen in labada gobol ee Troms iyo Finnmark ay isku noqon doonaan hal gobol. Isku darka labadan gobol ayaa daba socoto dib u qaabeyn lagu sameynayay gobolada Norway oo dhan, taas oo ay dowladu waday dhowrkii bilood ee ugu danbeeyay.

Norway ayaa xiligii hore ka koobnaan jirtay 19 gobol, laakiin dowlada ayaa raba in 19-kaas gobol ay isugu soo uruuriso 11 gobol. Waxaana gobalada la isku daray ama la isku dari doono kamid ah:

[adsenseyu2]

  1. Troms iyo Finnmark waxaa laga dhigay hal gobol.

  2. Nord og Sør-Trøndelag: Waxaa laga dhigay hal gobol oo Trøndelag la isku dhaho.

  3. Aust iyo Vest-agder: Waa la isku dari doonaa, waxaana laga soo saari doonaa hal gobol oo Agder la isku dhaho.

  4. Telemark iyo Vestfold: Hal gobol ayaa iyagana laga dhigi doonaa.

  5. Akershus, Buskerud iyo Østfold: Sadexdaas gobol waa la isku dari doonaa, waxaana loo bixin doonaa magac cusub oo ah Viken . 

  6. Hedmark iyo Oppland: Labadaas gobol waa la isku dari doonaa.

  7. Hordaland og Sogn og Fjordane Labadaas gobol iyagana waa la isku dari doonaa.
  8. Oslo hal gobol ayuu sii ahaan doonaan.
  9. Møre og Romsdal: Gobolkaas sidiisa ayuu sii ahaan doonaa.

  10. Rogoland sidiisii hore oo hal gobol ah ayuu sii ahaa doonaa.

  11. Nordland hal gobol ayuu sii ahaan doonaa.

Isku darka goboladan ayaa waxaa ka dhalan doonto inuu isbadal ku imaado qaab dhismeedka goboladaas iyo magaalooyinka hoos tago. Sidaas darteed waa muhiim inaad la socoto isbadaladaas iyo saameynta ay ku yeelan karaan noloshaada. 

Xigasho/kilde: Dagbladet.no

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x