Ilaalada xuduuda Norway oo sheegay inay qabteen 167 kiilo oo qaad ah.

0
99
Foto: Tollvesenet

Sida uu soo tabiyay wargeyska lokalka ah ee Domekraten, ilaalada xuduudka dalkan Norway ayaa todobadii bishan January barkontrollka Ørje ku qabtay baabuur ka diiwaan gashan Sweden, kaas oo tahriibinayay 94 kiilo oo qaad ah. Qaadkan ayay ilaaladu sheegeen inuu kujiray boorso iyo baco dhowr ah oo baabuurka saarnaa.

Darawalka baabuurkan ayay ilaaladu sheegeen in markii danbe loo gudbiyay saldhiga booliska.

Qaad kale iyo Gardermoen: 

Aroornimadii hore ee lixdii bishii January ayaa sidoo kale garoonka diyaarahada Oslo lagu qabtay labo nin oo watay qaad isku dar dhan 73 kiilo. Labadan nin ee qaadka lagu qabtay ayaa kala watay dhalashooyinka wadamada Norway iyo Sweden, wuxuuna midkood markaas si toos ah uga soo uga yimid Soomaaliya, sida ay ilaaladu sheegeen.

Labadan nin ayaa sidoo kale lagu wareejiyay saldhiga booliska ee garoonka diyaaradaha Gardermoen.

Xigasho/kilde: Demokraten.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments