Sarkaal katirsanaa booliska Oslo oo 21 sano oo xabsi ah lagu xukumay

0
104

Eirik Jensen oo kamid ahaa booliska Oslo ayaa shaley maxkamada Oslo ay ku xukuntay 21 sano oo xabsi ah, kadib markii ay maxkamadu ka heshay danbi ah inuu ka qeybqaatay isla markaana fududeeyay in 13,9 tonn oo daroogada nooca xashiiska loo yaqaano ah lasoo galiyo Norway. Jensen ayaa waxaa ku markhaati furay saaxiibkii hore Gjermund Cappelen oo isna ay maxkamadu ku xukuntay 15 sano oo xabsi ah.

Cappelen oo ahaa boqorka tahriibinta xashiiska Norway ayaa maxkamada ka hor cadeeyay in isaga iyo Jensen ay ka dhaxeysay wada shaqeyn qoto dheer, uuna ka caawin jiray inuu si fudud daroogadiisa kula soo galo Norway, uuna Jensen u tilmaami jiray wadooyinka banaan iyo sida ugu fudud oo uu dhib la´aan daroogada wadanka kusoo galin karo.

Maxkamada ayaa la horkeenay fariimo qoraal sarbeeban ah, kuwaas oo ay isdhaafsan jireen Jensen iyo Cappelene, waxaana Jensen gurigiisa ay boolisku ka heleen 2 milyan oo lacag cadaan ah. Sidoo kale waxaa soo baxday in lacag uu Jensen ku hagaajiyay qeyb gurigiisa kamid ah uu bixiyay Cappelen.

Cappelen ayaa xukunka loo qafiifiyay lix sano, maadaama uu ku markhaati furay saaxiibkii Jensen oo ay mudo wada shaqeyn jireen, si ay maxkamadu sheegtay.

Dacwada maxkamada Jensen ayaa socotay dhowr bilood, iyada oo warbaahinta Norway ay si aad ah u xiiseyneysay.Jensen iyo cappelen ayaa labuduba sheegay ineysan ka fiirsan doonaan inay racfaan ka qaataan xukunka maxkamada iyo inkale.

Xigasho/kilde: VG.NO 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments