Listhaug: Waa in soo galootiga lagu istaajiyaa xuduudka

0
89

Wasiirada soo galootiga dalkan Norway Sylvi Listhaug ayaa soo jeedisay in lasoo saaro xeerar cusub, kuwaas oo sahlaya in dadka soo galootiga ah lagu celiyo xuduudka Norway, isla markaana loo diido iney soo galaan Norway, hadii la aqoonsan waayo. Waxeyna raacisay in soo galootiga mudo 24 saac ah lagu heyn karo xuduuda, hadii aan mudadaas lagu aqoonsana lagu celiyo meeshii ay ka yimaadeen.

Listhaug ayaa sheegtay in hadii aan arintaas la sameyn, ay Norway khatar ugu jirto in ay wadanka soo galaan dad aan ogeyn ujeedada safarkooda, kuwaas oo hadhow ay adkaan karto in wadanka laga bixiyo. Iyada oo raacisay in arintan looga hortagi karo dad Norway howlo danbi ka geyn lahaa.

Soo jeedinta Listhaug ayaan qaban doonin dadka magangalyo doonka ah, maadaama soo galootigu ay leeyihiin xeerar gaar ah.

Soo jeedinta Listhaug ayaa baarlamaanka la hor geyn doonaa bilowga bisha Desember ee sanadkan.

Xigasho/kilde: Dagbladet.no 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments