Vegvesen: Waxaan baaritaan ku sameyn doonaa dhamaan leysinada baabuurta ee la qaatay wixii ka horeeyay september 2014

0
138
Foto: Statens vegvesen

Hey´ada gaadiidka iyo wadooyinka dalkan Norway ayaa war ay soo saartay ku sheegtay iney baaritaan ku sameyn doonto dhamaan leysinada baabuurta ee la bixiyay wixii ka horeeyay 1-dii September sanadkii 2014, kadib markii ay soo baxday in dad badan loo qaaday leysinka baabuurta, iyaga oo aan imtixaanka rasmiga ah marin.

Waxeyna taas timid, kadib markii la fashiliyay in qof ka shaqeeyo xarunta gaadiidka magaalada Arendal uu si sharci daro ah uu sameeyay isdabo-marin, isla markaana uu bixiyay ogolaansho wadis baabuur oo aan sharci aheyn, iyada oo uusan qofku qaadan imtixaanka toeriga ama kan wadista baabuurka.

Shaqsigan oo hada xiran, isla markaana ku eedeysan musuqmaasuq iyo wax isdabo marin ayaa sidoo kale la sheegay inuu bixin jirin leysinka wadida gaadiidka dadweynaha sida busska, iyada oo uusan qofku heysan aqoontii rasmiga aheyd, ama uusan marin imtixaanka. Waxaana uu arintaas ka heli jiray lacag aad u badan.

Wixii ka horeeyay 1-September 2014, qofka ka shaqeeya xarunta gaadiidka ayaa si iskiis ah u buuxin jiray macluumaadka qofka leysinka qaatay ama qaadanayo, laakiin wixii xiligaas ka danbeeyay waxaa soo baxay system online ah oo si toos ah iskiis isku diiwaan-galinayo. Sidaas darteed ayey Vegvesen sheegtay inay macquul tahay in leysinadii la qaatay wixii xiligaas ka horeeyay ay kujiraan kuwo badan oo si sharci daro ah lagu qaatay.

Vegvesen ayaa sheegay iney wadanka oo dhan ka sameyn doonto baaritaan ku aadan leysinka baabuurta ee la bixiyay wixii ka horeeyay 1-da September 2014-ka, ayna hubin doonto in leysinadaas loo qaatay si sax ah iyo inkale.

Xigasho/kilde: VG.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments