fredag, mars 29, 2024

Wasiirad Nancy: Taladan ayaan siinayaa waalidka raba inay ilmahooda dhaqan-celiyaan.

Marka uu dhamaado xiliga fasaxa xagaaga ee iskuuladu xiranyihiin, caruur badan ayaan dalka dib ugu soo noqon, marka ay bilaabaan sanad-dugsiyeedka iskuuladda. Arrintaas ayaana dhalisay wel-wel ay dowlada Norway ka qabto waxa ay la kulmi karaan caruurta aan iskuuladda kusoo noqdan, marka uu bilowdo sanad dugsiyeedka cusub.

Mid kamid ah arrimaha ka danbeeya in ilmuhu aysan dib ugu soo noqon, ayaa ah in waalidiinta qaarkood ay go aansadeen inay ilmaha uga soo tagaan dalalka kuyaal Afrika ama carabaha, iyaga oo ka fakaraya in loo sameeyo waxa loo yaqaano dhaqan-celinta, gaar ahaan barashada afka iyo luuqadda.

Dhaqan-celinta ayaa sida waalidku jecelyahay ilmaha u leh faaiidooyin ay kamid yihiin inuu soo barto dhaqankiisa iyo luuqadda afka hooyo, waase hadii ay waalidku u dajiyeen qorshe wanaagsan, uuna raaco mid kamid ah waalidiinta, ilmahana uu raali ka yahay. Balse dhanka kale hadii uusan ilmuhu raali ka aheyn in dalka dibadiisa looga soo tago, waxaa ilmaha ay ku yeelataa saameyn xoogan.

Nancy: Waalidku caawin ha raadsadeen inta aysan talaabadaas qaadin:

Wasiiru-dowlaha isdhexgalka iyo shaqada dowlada Norway oo dhawaan wareysi siineysay NorSom News ayaa waalidiinta ajaaniibta ah kala talisay inay dhaqan-celin u diraan ilmahooda, iyada oo sheegtay in arrintaasi ay ilmaha ku yeelan karto saameyn iyo dhaawac xoogan oo xaga koritaanka iyo waxbarshada ilmaha ah.

Nancy oo aaminsan in waalidiintu ay wanaag uga gol leeyihiin arrintan, ayaa hadana waalidka kula talineyso inay raadsadaan talo iyo caawin xaga dowlada, iyada oo aaminsan in waxyaabo badan oo waalidku ay dibadda ka raadinayaan, ay ka heli karaan gudaha Norway, hadii ay waalidku caawin ka raadsadaan nidaamka dowliga ah, ayna ka cabsan oo kalsooni ka dhex abuuranto waalidka iyo hey’ addaha dowlada.

Taladda ugu wanaagsan ee aan waalidka ka fakarayo in ay ilmahooda dhaqan-celiyaan aan siin lahaa waxa ay tahay in si dhab u qiimeeyaan saameynta guracan ee ilmaha ay ku yeelan karto dhaqan-celinta, waxaan ognahay in arrintan ay cawaaqin aan fiicneyn u keeni karto ilmaha, ayay tiri Nancy herz

Wasiiru dowlaha oo ka hadashay saameynta ay ilmaha u keeni karto in isaga oo raali ka aheyn looga soo tago dalka dibadiisa, ayaa tiri:

Ilmuhu waxa uu dareemi karaa niyad jab iyo inay dareemaan in xuquuqdooda aysan helin, iyo in xadgudub maskaxeed ama jireed kala kulmaan meelaha la geeyay, taas oo dhaawici karto mustaqbalkooda iyo ku xirnaantooda bulshada, ayay hadalkeeda raacisay wasiirada.

Ma aaminsani in waalidku ay arrintan xumaan uga danleeyihiin, ama ay rabaan inay ciqaab uga dhigaan ilmaha, balse hadana cawaaqibta ka dhalan karto ayaa noqon karo kuwo aad u xoogan oo ay adagtahay in dib looga soo kabto, sidaas darteed ayaan waalidka kula talinayaa in arrintaas aysan marnaba sameyn. ay doontaan caawin.

Hadalka wasiiradda ayaa kusoo aadayo xili maalmo kahor ay war saxaafadeed soo saaren sadex wasaaradood, kuwaas oo dowladaha hoose iyo degmooyinka uga digay inay kasii hortagaan ilmaha dalka dibadiisa looga soo tagayo, iyaga oo aan raali ka aheyn.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x