fredag, april 19, 2024

Dadkii ugu horeeyay ee isbuucan helay warqadda canshuur-celinta.

Waaxda canshuuraha ayaa isbuucan dadkii ugu horeeyay usoo diray warqadda canshuur celinta. Warshaqadda canshuur celinta oo sida caadiga ah lasoo diro bartammaha bisha Maarso ilaa bilowga bisha April ayaa ah mid loogu talagalay in qofka lagu siiyo fursad uu ku hubiyp inuu bixiyay cashuur sax ah sannadkii hore. Dad badan ayaa lacag dib loogu celiyaa, halka kuwa kalena ay tahay inay bixiyaan cashuur ku baaqi ahayd.

Dadka qaar ayaa waxa laga yaabaa inay kasoo dib dhacdo waraaqda cashuur celinta, waxaana marka ay warqadu diyaar tahay uu qofka dowladda ka heli doonaa fariin wargalin ah. Warqaddu ma ahan mid buuxda oo dhamaystiran marka qofku helo, waxaana qofka laga rabaa inuu buuxiyo\macluumaadka ka maqan si u udhamaystiranto, qofkana looga qaado canshuur u qalanta mushaarkii/dakhligii soo galay.

Waaxda canshuuraha ayaa ka warqaba xog badan oo ku saabsan dhaqaalaha qofka soo galay, waxayna macluumaadka ka helaan meelo badan oo ay ka mid tahay maamulka halka qofku u shaqo tago, bangiyada iyo iwm. Sidaas oo ay tahay waxa muhiim ah inaad hubiso macluumaadka ay kaa hayaan.

Waaxda canshuuraha “ skatteetaten” waxay soo dirtaa foomka canshuur celinta laga bilaabo 16ka Maarso ilaa 4ta Abriil.
“Qaar badan oo cashuur bixiyaasha ka mida ayaa raba in ay si degdeg ah dowladu ugu celiso lacagta ay dowladda ku leeyihiin. Si ay taas ay u suurto gasho waxa muhiim ah in canshuur bixiyuhu gudbiyo foomka canshuur celinta. Haddii qofku foomka celin waayo, Ma heli doono lacagtiisa bisha juun ka hor” ayuu tiri agaasimaha waaxda canshuuraha Norway.

Lacag cashuur ah hadii lagugu yeesho waxaad lagu so diri doona waraqadda bixinteeda “ faktura” bisha August. Qof walba waxa masuuliyad ka saarantahay inuu hubiyo in macluumaadka ku xusan foomka sax yihiin iyo buuxinta waxa maqan. Gaar ahaan hadii sanadkii lasoo dhaafay ay noloshaada ku imaadeen isbadalo waaweyn oo dahkhligaaga saameyn ku lahaa.

“Isbeddellada noloshaada waxay saameenayaan canshuurtaada” ayay tiri Funnemark oo katirsan skatte-etaten.

Xilliga kama dambaysta ah ee soo gudbinta canshuur celinta waa 30 Abriil. Tani waxay khusaysaa dadka qaata mushaharka iyo kuwa hawlgabka ah. Ganacsatadu waxay leeyihiin waqtigooda kama dambaysta ah waa Waa 31-ka May Sannadkan, foomka ayaa elektaroonig ahaan lagu diri doona, dadka qaar baa sidoo kale weli ku heli doona warqad ahaan.

Xigasho/kilde: Nå kommer skattemeldingen.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x