mandag, mai 6, 2024

Wariye been ka sheegay dhacdo xasuuq oo 4 milyan $ magdhow ah lagu xukumay.

Xukunka Alex Jones.

Alex Jones oo ah barnaamij daadihiye u dhashay dalka Mareykanka ayaa lagu xukumay inuu bixiyo 4,1 milyan dollar oo magdhow ah. Kadib markii lagu xukumay inuu war been abuur ah oo ku faafiyay dhacdo xasuuq ah oo sanadkii 2012 ka dhacday iskuulka Sandy Hook ee kuyaal gobolka Connecticut.

Maxkamadda ayaa amartay in ninkan oo lacagtaas magdhow ah siiyo mid kamid ah qoysaska caruurtii lagu xasuuqay weerarkii ka dhacay iskuuka Sandy Hook. Xasuuqan oo ahaa weerar hubeysan oo toos ah oo lagu soo qaaday iskuulka, ayaa waxaa lagu dilay isku dar 26 qof, kuwaas oo ay ku jireen 20 caruur ah oo da’ ahaan jiray 6-7 sano. Waxaa sidoo kale lagu dilay 6 qof oo waaweyn.

Alex Jones oo barnaamij daadihiye ka ahaa idaacada INFO WARS oo aad u faafisa wararka been-abuurka ee kooxaha midigta fog ee dalka Mareykanka, ayaa sheegay in iskuulkaas uusan wax weerar ka dhicin. Wuxuuna marar badan ku cel-celiyay in wax xasuuq ah ama dil ah haba yaraate uusan iskuulkaas ka dhicin, qofna aana lagu dilin, uuna ahaa mid la jilay oo lagu heshiiyay. Wuxuuna idaacadiisa oo ay ku xiranyihiin malaayiin qof ka sheegay in dadka idaacaddaha ka hadlay ee sheegay in caruurtoodii la laayay ay ahaayeen dad lasoo kireystay oo lacag la siiyay.

Mid kamid ah waalidiinta caruurtii lagu dilay iskuulka ayaa maxkamad la fuulay wariyahan, waxeyna sku eedeeyeen inuu been abuur ku tilmaamay geerida wiilkoodii lix jirka ahaa ee iskuulka lagu dilay. Iyaga oo sheegay in murugada geerida wiilkooda ay uga darsantay naceyb uga imaanayay bulshada dhageysata idaacadda ninkan, kuwaas oo ku tilmaamayay inay yihiin beenayaal lacag ku raadinayo magaca ilmahooda. Arrintaas oo waalidiintan sheegeen inay u geysatay qalbi-jab iyo murugo labo jibaar ah, kuna riday inay awoodi waayaan inay ilaawaan geerida wiilkooda iyo warka been abuurka ah ee wariyaha ka sii daayay idaacadiisa.

Ugu danbeyn waxey maxkamad la fuuleen Alex Jones, waxeyna dalbadeen 75 milyan dollar oo magdhow ah.

Dhageysiga maxkamadda ayaa waxaa soo baxday in wariyahan uu ogaa in iskuulkaas uu xasuuq ka dhacay, laguna dilay caruur badan. Saas oo taheyna uu malaayiin qof ee ku xiran u sheegi jiray warar been abuur ah oo isagu ogyahay inaysan raad iyo cirib laheyn.

Maxkamadda ayaa ninkan ku xukuntay danbiga lagu soo eedeeyay e been abuurka, waxaana lagu xukumay inuu bixiyo 4,1 milyan oo dollar. Waxaase la fili doonaa in magdhowka uu intaas wax badan aad uga badan doono, maadaama ay jiraan waalidiin kale oo ninkan ay maxkamadu u furantahay.

INFO WARS oo mar aheyd idaacadd aad loo dhageysto ayaa hada waxaa yaraaday maqalkeeda, kadib markii ay shirkadaha iska leh baraha bulshada caanka ah, sida Youtube, Facebook iyo google ay dhamaantood mamnuuceen in idaacaddan ay warar ku faafiso barahooda.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x