søndag, mars 16, 2025
Home Blog Page 34

Muhiim: Shuruuda waalidka ee baasaboor u dalbista ilmaha oo wax laga badalay.

0

Laga bilaabo kowdii(1) bishan November(11), waxaa laga badalay shuruudaha laga rabo waalidiinta, marka ay baasaboor ama kaarka aqoonsiga qaranka( Nasjonalt ID-kort) u codsanayaan ilmaha kayar 18-ka sano.

Wixii ka horeysay bishan, waalidka raba inuu ilmo ka yar 18 sano u dalbo baasaboorka Norway, ayaa waxaa ku filnaan jirtay inuu waraaqda saxiixa ogolaanshaha( Samtykkeskjema) ka keensado waalidka kale ee ilmaha dhalay, si boolisku ay u aqbalaan codsiga baasaboorka ee ilmaha.

Balse laga bilaabo kowda(1) bishan November(11), waxaa shardi waajib ah laga dhigay in labadda waalidbaay waji/shaqsi ahaan (Fysisk) ay u tagaan xarumaha booliska , si ay u saxiixaan ogolaanshaha codsiga ilmaha ee baasaoorka loogu dalbayo.

War qoraal ah oo kasoo baxay booliska Norway, laguna shaacinayo isbadalka cusub ayaa lagu sheegay sidan:

  1. Labadda waalid ama labadda qof ee masuulka waalid u ah ilmaha, waa inay shaqsi ahaan u tagaan xarumaha booliska, marka ay rabaan inay bixiyaan saxiixooda si baasaboor ama kaarka aqoonsiga loogu dalbo ilmaha ka yar 18-ka sano.
  2. Labadda waalid kuma qasbana inay hal xafiis iyo hal mar ay wada tagaan xarumaha codsiga baasaboorka, ee mid walba goonidiis ayuu xili gaar ah u tagi karaan si uu saxiixa u bixiyo.
  3. Qofka waalidka ah ee bixinayo saxiixa, waa inuu wataa baasaboor ama kaar aqoonsi uu muujinayo qofka uu yahay.
  4. Qofka waalidka ah wuxuu ogolaanshaha saxiixiisa ee dalabka baasaboorka ilmaha uu bixin karaa mudo sadex bilood ah hal mar, ama wuxuu bixin saxiix abadi ah oo soconayo ilaa uu ilmaha ka gaarayo 18 sano.
  5. Qofka waalidka ah wuxuu sii tagi karaa xarumaha baasaboor bixinta, kahor inta aan la gaarin maalinta balanta baasaboorka ee ilmaha si uu saxiixiisa usoo bixiyo. Umana baahno inuu wax balan ah qabsado ee si toos ah ayuu u tagi karaa xarumaha baasabooradda, si uu saxiixiisa u dhiibo.
  6. Ilmaha ka weyn 13 sano waxey si gaar ah iskood ugu codsan karaan kaar aqoonsi, balse aysan ku safri karin. Si ay kaarkaas u helaan kuma qasbana helitaanka saxiixa waalidka.
  7. Dhamaan codsiyada kale ee ilmaha loogu dalbayo kaar aqoonsi ama baasaboor( marka laga reebo qodobka lixaad), waa in ilmaha uu la socdaa ugu yaraan hal qof oo waalidka kamid ah.
  8. Si lamid ah wuxuu qofku dib ula noqon karaa saxiixa uu bixiyay.

Faah-faahin arrintan la xiriirto kasii akhriso: Samtykke for pass og ID-kort til barn og unge.

Ma daawatay Madaxweynaha Shiinaha oo canaan dhagaha u saarayo dhigiisa Canada!

0

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ku canaantay Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau shir madaxeedka G-20 Arbacadii, isagoo ku eedeeyay inuu siidaayay tafaasiil ku saabsan wadahadal ay hore u yeesheen, kaas oo Trudeau uu walaac ka muujiyay faragelinta Shiinaha ee arrimaha gudaha Canada.

Labada hoggaamiye ayaa kulankan ku yeeshay waddanka Indonesia, iyada oo ay warbaahintu awood u yeelatay inay duubto.

«Wax walba oo aan ka wadahadalnay ayaa loo gudbiyay warbaahinta; taasi maahan mid habboon,» ayuu Xi u sheegay Trudeau isaga oo u maraya turjumaankiisa. «Taasina maaha… sida aan u wadahadalnay, haddii ay jirto daacadnimo dhinacaaga ah,» ayuu Xi sii raaciyay.

Trudeau oo hadalka soo dhexgalay oo u soo dhaqaaqay dhanka Xi ayaa yiri «»Canada, waxaan aaminsanahay wadahadal xor ah, furan, oo daacad ah, taasina waa wax aan sii wadi doono,»

«Waxaan sii wadi doonaa inaan si wadajir ah u wada shaqeyno, laakiin waxaa jiri doona waxyaabo aynaan ku heshiin doonin.» ayuu raaciyay Trudeau.

Xi ayaa hareeraha eegay markii uu Trudeau u jawaabay.

«Marka hore aan abuurno shuruudo.» ayuu ku jawaabay Xi.

Labada hoggaamiye ayaa is gacan qaaday kadib iska horimaad kooban.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Canada ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay ka hadleen duullaanka Ruushka ee Ukraine, Kuuriyada Waqooyi iyo is-beddelka cimilada, iyo in Trudeau uu sidoo kale kor u qaaday «walaacayada halista ah ee ku saabsan dhaqdhaqaaqyada faragelinta Shiinaha ee arrimaha gudaha Canada.» Sarkaalkan ayaa ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo, maadaama aan loo ogolayn inuu si cad uga hadlo arrintan.

Trudeau oo shir jaraa’id oo uu qabtay kulankaas kadib wax laga weydiiyay iska horimaadka dhexmaray isaga iyo Xi ayaa yiri, «Wadahaddalladu mar kasta ma wada fududa, laakiin aad ayey muhiim u tahay inaan sii wadno inaan u istaagno waxyaabaha muhiimka u ah dadka Canada.»

Xigasho/Kilde: VoaSomal

Xusuuso Adeegsiga Refleks: Noloshaada ayay badbaadin kartaa.

0

Waxaa hada la gaaray bilihii qaboobaha iyo mugdiga, iyada oo meelo badan oo dalkan Norway kamid ah ay qoraxdu banaanka joogto saacado kooban maalintii. Deegaanadda qaarkood ee kuyaal woqooyiga dalkan Norway, qoraxda ayaanba soo bixin bilaha qaboobaha.

Xiliyada mugdiga ee bilaha qaboobaha waxaa Norway aad u badan shilalka baabuurta ee sababa khasaaraha nafeed, taas oo ay ka danbeeyaan arrimo dhowr ah oo is biirsaday. Mid kamid ah waxyaabaha ay darawaladu ka eedsheegtaan ayaa ah inay adagtahay in la arko qof wadadda marayo xiliga mugdiga, hadii uusan xirneyn wax iftiiminayo ama fudeyn karo in la arko.

Refleks ama kaah-celiso waa aalad darawaladda baabuurta ama dadka kaleba u sahleyso inay si fudud kuu arkaan marka aad ku safreyso jid ama wado mugdi ah. Waxeyna qofka ku safrayo mugdiga ka dhigeysaa in si caadi ah loo arki karo.

Tirokoob la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dadka shilalka baabuurta ku waxyeelooba xiliga mugdiga ay u badanyihiin dad aan wadan wax muujinayo ama darawalka u sahli kara inuu si fudud meel fog uga arko.

Dhamaan hey’ addaha ka shaqeeya badqabka wado marista ayaa dadka ugu baaqaya inay adeegsadaan refleks ama kaah-celiso, hadii aad ku safreyso wado mugdi ah ama xitaa hadii aan magaaladda caadiga ah aadeyso.

Refleks ayaa laga helaa meelo badan, xitaa waxaa la helaa iyada oo lacag la aan, maadaama shirkaduhu ay u adeegsadaan xayeysiin ahaan.

Xigasho/kilde: – Gjør deg synlig når du går i mørket.

Turkey oo Sweden ku qasabtay wax ka badalista dastuurteeda.

0

Baarlamaanka Sweden ayaa Arbacadii meel mariyay wax ka bedelka dastuurka dalkaas, kaas oo suurta-gelinaya in la meel mariyo sharciyo adag oo ka dhan ah argagixisada, taas oo ah dalab muhiim ah oo ka yimid Turkiga, si loo ansixiyo xubinnimada Stockholm ee isbaheysiga NATO.

Kadib markii uu Ruushku ku duulay Ukraine, Sweden iyo Finland waxay ka tageen siyaasadii ay muddada dheer kusoo jireen ee aheyd dhex-dhexaadnimada, waxayna codsadeen inay ku biiraan isbahaysiga milatari ee NATO.

Balse Turkiga ayaa is-hortaagay codsiyadii Sweden iyo Finland ee xubinnimada NATO, isagoo ku eedeeyay Stockholm gaar ahaan inay hoy u tahay «argagixisada».

Mooshinka wax ka bedelaka dastuurka, oo lagu ansixiyay 278 cod oo ka tirsan baarlamaanka Sweden oo ka kooban 349 kursi, ayaa suurtogal ka dhigaya in lasoo saaro sharciyo cusub oo lagu xaddidayo xorriyadda ururrada marka ay timaado ururada ku howlan ama taageera argagixisada.

Khubarada ayaa sheegay in sharci cusub uu sahli doono in dacwad lagu soo oogo xubnaha xisbiga shaqaalaha Kurdistan ee PKK oo ay Ankara iyo inta badan xulafadeeda reer galbeedka ay mamnuuceen.

Is-badalka lagu sameeyay dastuurka ayaa dhaqan-geli doona 1-da Janaayo.

Booqasho uu ku tagay Ankara toddobaadkii hore, ra’iisul wasaaraha cusub ee Sweden, Ulf Kristersson, ayuu ku tilmaamay wax ka bedelka dastuurka “tallaabo weyn”.

“Sweden waxa ay qaadi doontaa tillaabooyin waaweyn dhamaadka sanadka iyo horraanta sanadka soo socda taasi oo siin doonta hay’adaha sharciga Sweden awood dheeri ah oo ay kula dagaallamaan argagixisada” ayuu ku yiri shir jaraa’id oo ay wada jir u qabteen madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

XIGASHO/KILDE: VOASOMALI

Leysinkii ayuu sababtan u lumiyay: Daaqadaha baabuurka iska nadiifi.

0

Waxaa la galay xiligii qaboobaha iyo mugdiga, waxaana dhawaan la filayaa in deegaano badan oo Norway kamid ah uu ka da’ o baraf mahiigaan ah. Shilalka baabuurka ee dhaca xiliga qaboobaha ayaa ka badan kuwa dhaca xiliyada kuleylaha ama qoraxdu ay jirto.

Booliska deegaanka Målselv ee gobolka Troms ee woqooyiga dalkan Norway, ayaa leysinka isla goobta ugaga qaaday darawal kontomeeyo jir ah, kadib markii ay boolisu istaajiyeen isaga oo daaqada/muraayaddaha hore ee baabuurkiisu ay sidan u ekaayeen( Sawirka kore).

Booliska oo istaajiyay ninkan kadib markii ay meel kore ka arkeen, ayaa sheegay in ninkan uu sameeyay wax ka baxsan xeerka wado-marista, aysana suurtogal aheyn inuu arko ama la falgalo gaadiidka kale ee wadada adeegsanayo.

Barta ay twitterka ku leeyihiin booliska ayaa ku sheegeen: Daaqaha baabuurka nadiifi ama baabuurka guriga uga soo tag.

Xigasho/kilde: Mistet lappen etter dette: – Skrap rutene skikkelig!.

66 qof oo Norway sharciyo ka helay, kadib sanado badan oo ay ku noolaayeen.

0

Sida uu qoray wargeyska Vårt land isku dar 66 qof oo kamid ah 140 qof oo ah dadka lagu tilmaamo magangalyo-doonayaasha diidmada heysta ee aan aan dalkoodii lagu celin karin(ureturnerbare asylsøkere), mudadda dheerna kunool Norway ayaa helay sharciyo magangalyo.

24 qof oo kamid ah 140 qof ee codsaday fursaddan, ayaa helay degenaansho ama sharci rasmi ah, halka 42 kamid ah ay heleen sharci kumeel gaar ah oo cusbooneysiin u baahan. Halka 83 kamid ah dadka soo codsaday ay heleen diidmo.

UDI-da ayaa wargeyska Vårt land u sheegtay in sababta ugu badan ee diidmada ay u heleen 83-da qof ee kamidka ah 140-ka qof ee sharcigan soo codsaday, ay tahay ineysan buuxin shuruudaha lagu xiray fursadan cusub ee la xiriirta dib u codsashada sharciga magangalyada Norway, in da´ahaan ay yihiin dhalinyaro aan buuxin shardiga da´da, iyo kuwa danbiyo kale.

42-da qof ee sharciga kumeel gaarka ah helay ayaa wali ku qasban inay mar kale codsadaan magangalyo, taas oo ka dhigan in wali aysan sharci sax ah ka helin hey´addaha qoxootiga Norway. Waxaana lagu xiray inay dalkoodii ka keensadaan baasabooro cadeynayo aqoonsigooda, si sharci rasmi ah ay u helaan.

Dad gaar ah oo shuruud gaar ah oo adag lagu xiray:

Arrintan fursad cusub siinta qoxootiga mudada aadka u dheer ku noolaa Norway, aana dalkoodii lagu celin karin ayaa aheyd heshiis siyaasadeed ee xisbiga KRF uu la galay xukuumadii ay hogaamin jirtay Erna Solberg. Wuxuuna ujeedku ahaa in xal loo helo kiisaska dad badan oo Norway ay diidmo ka siisay cidsiga magangalyada, hadana ay ku guuleysan weyday inay dalkoodii ku celiyaan, dadkaasna ay muddo sanado aad u badan ah ay go´doon ku noqdeen gudaha Norway.

Halkan ka akhri wararkii aan qorey uga qornay.

Xigasho/kilde: Hadde vært i årevis i Norge- bare 24 fikk bli.

John Carew: Xidigii hore ee Aston villa, Lyon iyo xulka Norway oo xabsi lagu xukumay.

0

Maxkamadda magaaladda Oslo ayaa hal sano(1) iyo labo(2) bilood oo xabsi ah ku xukuntay John Carew oo ah mid kamid ah xidagaha ugu caansan kubadda cagta ee usoo ciyaaray xulka qaranka Norway. Maxkamadda ayaa Carew ku heshay danbi ah inuu sameeyay khiyaano canshuur, uusana bixin canshuur ku waajibtay.

Xeer ilaalinta katirsan waaxda danbiyadda dhaqaalaha ee booliska Norway( Økokrim) ayaa Carew ku eedeeyay in mudo lix(6) sano ah uusan bixin canshuur ku waajibtay oo gaareysay 5,4 milyan kr. Carew ayaa sheegay inuu xiligaas ku noolaa dalka dibadiisa, laakiin waxaa lasoo ogaaday in waqti badan oo sanadadaas kamid ah uu joogay Norway.

Økokrim ayaa codsaday in Carew lagu xukumo labo(2) sano oo xabsi ah, balse maxkamadda ayaa Carew ku xukuntay 14 bilood oo xabsi ah, iyo ganaax lacageed oo gaaraya 540.000 kr.

Carew oo markii uu ka fariistay kubadda cagta noqday jilaa, bilaabeyna ka ganacsiga hantida ma guurtadda ah, ayaa qirtay danbiga lagu eedeeyay ee ah inuusan canshuur bixin. Balse wuxuu diiday in arrintaas uu si kas ah u sameeyay, isaga oo eeda dusha ka saaray qareenkiisii hore iyo dadkii u qaabilsanaa arrimaha dhaqaalaha. Wuxuuna sidoo kale sheegay in la siiyay talooyin qalad ah, mana jirto wax cadeynayo in Carew uu qorsheeyay inuu arrintan ulakac u sameeyay.

Xukunka lagu xukumay Carew ayaa ah mid uusan shuruud ku xirneyn, taas oo ka dhigan in Carew uu xabsiga gali doono, dhameysana doono mudadda ciqaabta ah ee lagu xukumay.

John Carew oo ay iska dhaleen hooyo Norwiiji iyo Aabe Gambian ah ayaa kasoo ciyaariyay horyaaladda kubadda cagta ee dalalka Ingiriiska, Talyaaniga iyo Faransiiska. Wuxuuna kamid yahay xidigaha ugu caansan ee soo maray kubadda cagta dalkan Norway.

Xigasho/kilde: John Carew dømt til fengsel i ett år og to måneder for skattesvik.

Møre & Romsdal: Askari ku eedeysan in agabka ciidanka oo uu xaday uu iibin jiray.

0

Askari hore oo katirsanaa booliska gobolka Møre iyo Romsdal ayaa dhamaadka bishan lasoo taagi doonaa maxkamad, isaga ku eedeysan khiyaano culus. Waxaana askarigan lagu eedeeyay inuu xadi jiray dharka iyo agabka ciidanka, kadibna uu suuq madow kusii iibin jiray.

Sida uu NRK qoray, ninkan ayaa xarumaha booliska ka qaatay dhar iyo agab ciidan oo lagu qiimeeyay 700.000 kr, wuxuuna dad kale kasii iibiyay agab gaaraya 200.000 kr.

Agabka uu ninkan xaday, kadibna sii iibiyay, ayaa waxaa kamid ah: Dharka uniform-ka booliska, suunka ay boolisku, tooshaska booliska iyo agabka kale ee boolisku ay howlgaladda u adeegsadaan.

Qeybta baarista danbiyadda ee booliska, Spesialenheten, ayaa sheegay in kiiska uu ninkan ku eedeysanyahay uu yahay kii ugu cuslaa ee la xiriirto khiyaano oo ay baaraan.

Ninka booliska ahaa ee la eedeeyay ayaa qirtay falka danbiga ah ee lagu eedeeyay, balse waxa uu sheegay inuusan fahansaneyn qaabka ay arrintan ku dhacday.

Dhamaadka bishan ayaa ninkan maxkamadda lasoo taagi doonaa, iyada oo kiiskiisu uu yahay mid qiraal ah.

Xigasho/kilde: Politimann sikta for å ha stole politiutstyr for nesten 700 000 kroner.

Tigidka bilaha ah oo bishan Oslo raqiis laga dhigayo: 499 kr, 299 kr.

0

Maamulka degmadda Oslo ayaa raba in dad badan ay adeegsadaan gaadiidka dadweynaha, ayna iska dhaafaan adeegsiga baabuurta gaarka loo leeyahay. Waxeyna bishan raqiiq ka dhigeen tigidka bilaha ah ee gaadiidka dadweynaha.

Tigidka bishii ee gaadiidka dadweynaha ee qofka weyn ayaa hada la iibiyaa 814, balse waxaa bisha laga dhigi doonaa 499 kr oo kali ah (40% qiimo jabin). Tigidka bilaha ah ee ardeyda, ayaa laga dhigi doonaa 299 kr, halka kan dhalinyarada laga dhigi doon 249 kr.

Qiimo jabintan tigidadda magaalada Oslo ayaa bilaaban doonto 16-ka bishan November, waxeyna socon doontaa ilaa 16-ka bisha Desember. Waxaana laga goosan karaa oo kali ah app-ka shirkadda Ruter.

Xigasho/kilde: Månedskort-rabatt i én måned i Oslo.

Wasiirad hore Deeqa: Nin dil iigu hanjabay ayaan maxkamad la fuulay, waana la xukumay.

0

Wasiiradii hore ee Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka dowladda federaalka Soomaaliya Deeqa Yaasiin ayaa shir jaraaíd oo ku qabatay agaalada Alphen aan den Rijn, ee dalka Netherlands waxey ku faah-faahisay dacwad kala dhexeysay nin Soomaali ah oo deggan dalka Holland, oo ay ku dacweysay Maxkamad ku taal magaalada Den Heeg.

Deeqa ayaa ninka ay dacweysay sheegtay inuu abaalmarin lacageed u ballan-qaaday cid kasta oo soo disha Deeqa Yaasiin oo xilligaasi aheyd wasiiradda haweenka iyo xuquuqda insaanka.

Wasiirka ayaa sheegtay in dacwada ay ninkan kusoo oogtay ay aheyd mid dambi, ee aanay aheyn mid rayid ah, maadaama uu nafteeda halis geliyey, ayada oo intaas ku dartay in eedeysanaha uu yahay nin deggan dalka Netherlands.

Deeqa ayaa sheegtay in ninka ay dacwadda kala dhaxeysay, ee yiri “ha la isoo idlo” uu ka careysnaa oo uu daba socday sharciga jinsiga Soomaaliya ee sida ay sheegtay dad badan ay khalad u fahmeen.

https://www.youtube.com/watch?v=3MbsOFyABh0

Qarax xoogan oo ka dhacay Istanbul

0

Waxaa daqiiqado kooban kahor magaaladda Istanbul ka dhacay qarax weyn oo sida la sheegay sababay dhimasho iyo dhaawac, geystana burbur xoogan.

11 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay wadada Istiklal, oo ah wado aad u mashquul badan.

Guddoomiyaha magaalada Istanbul Ali Yerlikaya ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in qaraxa uu dhacay abaare 4:20 galabnimo (13:20 GMT) maanta oo Axadda ah , wuxuuna sheegay in ay jiraan dhimasho iyo dhaawac, balse ma uusan sheegin tirada. Ma cadda sababta ka dambeysay qaraxa.

Telefishinka CNN Turk ayaa sheegay in 11 qof ay ku dhaawacmeen. Waddada ayaa ah waddo ay dadku ku badan yihiin oo caan ku ah dalxiisayaasha iyo dadka deegaanka, oo ay safnaayeen dukaamo iyo maqaayado

TV2: UNE oo kiiskii Mahad Abiib mar kale dib u fiirineyso.

0

Sida uu qoray muuqaal-baahiyaha TV2, Hey’ adda UNE ayaa mar kale dib u fiirineyso go’ aankii horey sharciga iyo dhalashada Norway looga celiyay Mahad Abiib oo ah muwaadin jinsi ahaan Soomaali ah.

Arild Humlen oo ah qareenka Mahad Abiib ayaa aaminsan in Mahad lagula kacay cadaalad daro, uuna la kulmay gar eexo oo cadeymo sax ah aan ku dhisneyn. Qareenka oo wareysi siiyay TV2, ayaa sheegay inuu hayo sadex cadeymood oo muujinayo in Mahad uusan aheyn qofka ay UDI-du rumeysantahay in Mahad uu yahay.

Norway ayaa aaminsan in Abiib uu yahay muwaadin jabuutiyaan ah, halka Mahadna uu sheegay inuu kasoo jeedo Jumhuuriyada Soomaaliya. Mahad ayaa heysto baasaboorka Soomaaliya, wuxuuna horey cadeymo tiro badan uga keenay dowlada Soomaaliya.

Arild Humlen ayaa sheegay in qofka ay UDI-du ku tuhmeyso Mahad inuu yahay nin reer Jabuuti ah oo geeriyooday dhowr sano kahor. Uuna hayo cadeymaha muujinayo arrintaas.

UNE oo kiiska mar kale fiirineyso:

TV2 ayaa qoray in hey\ adda UNE ay mar kale indho cusub ku fiirineyso kiiska Mahad Abiib, ayna qiimeyn doonaan inay jiraan macluumaadyo cusub oo wax ka badali karo go’aankii ay horey sharciga uga celiyeen Mahad Abiib.

Qareenka Abiib ayaa aaminsan inuu rabo in laga noqdo go’aankii ay UDI-du Mahad uga celisay baasaboorka, loona soo celiyo dhalashadiisii hore ee Norway.

Georg Magne Rønnevig oo ah madaxa gudiga UNE ayaa sheegay inay dib u si miyir leh oo degan u fiirin doonaan dhamaan macluumaadyada, ayna fiirin doonaan inay jiraan macluumaad oo go’ aankii hore ee kiiskan ay ka gaareen.

Sida uu TV2 qoray, Mahad ayaa xiligan kunool magaalada Paris ee dalka Faransiiska. Halkaas oo uu ku sugayo magangalyo oo ka codsaday dowlada Faransiiska. TV2 ayaa qoray in Faransiisku ay Mahad ku qaabileen muwaadin soomaali ahaan ah.

Xigasho/kilde: Behandler Mahad-saken på nytt.

W. Caafimaadka: Talaabooyin ayaan qaadeynaa hadii xaalada corona sii xumaato.

Hey’ adda caafimaadka dadweynaha ee FHI ayaa qiimeyn ay sameysay ku sheegtay in sida loo badaniyo ay Norway ay kusoo wajahnaan karto mawjad cusub oo feyruska corona ah. Mawjadaas oo hadaba bilaabatay sida ay hey’ addu sheegtay.

Xiliga ay kusoo beegantay mawjadan cusub ee corona ah, ayaa sida ay FHI sheegtay, waxaa dalka ka jiro noocyo kale oo feyrus ah, uuna kamid yahay hargabka, Caabuqa RVS ta iyo feyrusyada dilaaca xiliga qabowga. Taas oo laga cabsi qabo inay culeys xoogan saarto hey’ addaha caafimaadka Norway, hadii hal mar ay kor u kacdo tirada corona uu soo ridanayo, iyo dadka feyruska kale ay la xanuunsan karo.

Ingvild Kjerkol oo wasiiradda caafimaadka Norway ayaa sheegyay in dowladu ay diyaar u tahay inay qaado talaabooyin, ayna soo rogto shuruuc cusub, hadii feyruska corona uu mar kale soo laba-kacleeyo.

Wasiiradda caafimaadka ayaa sheegtay in awooda isbitaaladda Norway ee la tacaalista bukaanku ay tahay mid caadi ah. Balse ay xaaladu isbadali karto hadii ay dalka hal mar ka dilaacaan ama isku xigsadaan noocyo kala duwan oo feyrus ah, ugu horeeyo corona feyrus. Waxeyna sheegtay in dowladu ay diyaarisay qorshe arrintaas lagu wajaho, hadii xaaladu isbadasho.

Wasiiradda ayaa mar kale dadka kula talineyso inay qaataan talaalka corona, oo ah mid qofka ka difaaca inuu ku xanuunsado feyruska corona.

Dowlada ayaa hada irbadda afaraad ee talaalka corona u bandhigto dadka ka weyn 64 sano ama qabo xanuunadda qaarkood. Balse dowlada ayaa qiimeyneyso in arrintaas la badalo, dad badana fursad loo siiyo qaadashada irbadda afaraad ee talaalka corona.

Xigasho/kilde: Regjeringen har korona-planen klar.

Haweenay warbaahinta war been ah u sheegtay oo dacwad lagu soo oogay.

0

Habeenkii 25-ka Juun ee sanadkan 2022, waxaa Oslo ka dhacay weerar xabado loo adeegsaday oo lagu qaaday baar kuyaal bartammaha Oslo. Waxaana weerarkaas ku dhintay 2 qof, halka ay ku dhaawacmeen dad kor u dhaafayo 20 qof.

Marka uu weerarka dhacay kadib, waxaa warbaahinta wareysi siiyay dad ka badbaaday weerarka, iyo kuwa kale oo ku dhaawacmay.

Mid kamid ah dadka warbaahinta la hadlay ayaa sheegtay in iyada iyo saaxiibadeed ay taagnaayeen afaafka baarka la weeraray. Waxeyna sheegtay in xabad lagu dhuftay, kadibna ay raadsadeen gabaad ay ay galaan.

Warka in haweeneydan la dhaawacay, ayaa waxaa qoray, aadna u buun-buuniyay qaar kamid ah warbaahinta Norway, iyaga oo aan weydiin cadeyn ama hubin fiican.

Warkii hore been ayuu noqday:

Baaritaan kadib waxaa soo baxday in warka ay haweeneydaas oo asal ahaan ajnabi ah ay warbaahinta siisay uu ahaa mid aan sax aheyn ama been abuur ah. Waxeyna warbaahintu ka saareen ama tirtireen qoraaladii ay horey uga qoreen dhacdadan, iyaga oo raaligalina bixiyay.

Kiiskii intaas kuma ekaan e, booliska ayaa hada dacwad kusoo oogay haweeneydan, iyaga oo ku eedeynayo inay bixisay warbixin aan sax aheyn ama ay warbaahinta been ka sheegtay.

Ingvild Myrold oo katirsan xeer ilaalinta booliska ayaa sheegtay in macluumaadka ay boolisku ka uruuriyeen dadkii goob-jooga ahaa, wareysiyada laga qaaday goob-joogayaasha, muuqaalada kaamirooyinka goobta ku xirnaa iyo cadeymo kaleba ay sabab u yihiin in baaritaanka la furo, lana eedeeyo haweeneyda.

Haweeneyda ayaa waxaa horey u wareystay booliska, kadib marka ay idaacadda ka hadashay. Waana sababta hada lagu eedeynayo inay macluumaad been ah bixisay, xiligii wareysiga ay boolisku la yeesheen.

Xigasho/kilde: Kvinne siktet for falsk forklaring etter Oslo-skytingen.

Denmark: Ilmahooda ayay Soomaaliya u dhaqanceliyeen: Xabsi iyo Tarxiil.

0

Maxkamada magaalada Lyngby ee dalka Denmark ayaa hooyo iyo aabe soomaali ah ku xukuntay xabsi, kadib markii lagu helay danbi ah inay dhaqan-celis ahaan Soomaaliya ugu celiyeen labo caruur ah oo ay dhaleen. Aabaha ayaa waxaa xabsiga kadib, ay maxkamadu xukuntay in laga tarxiili doono dalka Denmark oo uu degenaa 26 sano.

Sida ay qorayaan warbaahinta lokalka ah ee magaalada Lynby, labadan waalid ee soomaalida ah ayaa dalka Denmark soo galay sanadkii 1995/96. Waxeyna sanadkii 2018 Soomaaliya dhaqan-celin ugu celiyeen labo ilmood oo ay dhaleen oo gabar iyo wiil ah.

Maxkamada magaalada Lynby ayaa isbuucan qaaday dacwad xasaasi aheyd oo u dhaxeysay laamaha booliska Denmark, iyo waalidkan soomaalida ah, kadib markii hooyadan iyo aabahan lagu eedeeyay inay dayaceen ilmahooda, ayna koritaanka dalka Denmark gaarsiiyeen dhaawac.

Gabadha: Waa la i jirdilay, wiilka wax ayaan soo bartay.

Maxkamada ayaa dhageysaneysay dacwad u muuqatay inay u dhaxeyso aabaha iyo hooyada oo dhinac ah, kuwaas oo taageero ka helayo mid kamid ah labada ilmood ee la dhaqanceliyay, waa wiilka e. Iyo laamaha dacwad oogayaasha Denmark oo dacwadood ku dhisay sharaxaada ay gabadha ay waalidkan dhaleen ka bixisay waxyaabihii ay kala soo kulantay markii lagu celiyay Soomaaliya.

Gabadha ayaa sheegtay in la qiyaanay, loona sheegay in fasax dalxiis ah loo geynayo Soomaaliya, balse markii danbe laga qaaday baasaboorkii, lana geeyay meel lagu barto quraanka. Halkaas oo ay kala soo kulantay jirdil iyo dayacaad. Waxeyna sheegtay in loo diiday inay wax xiriir ah la sameyso saaxiibadeed ay lasoo kortay, lana rabay in laga tirtiro xiriirkii ay la laxeyd bulshada Denmark oo ku dhex kortay.

Waalidka ayaa iska fogeeyay eeda gabadha, waxeyna sheegeen inay ilmahooda u geeyeen Soomaaliya, si ay usoo bartaan dhaqankooda iyo afkooda. Waxaana sharaxaada waalidka adkeeyay wiilka ay dhaleen oo sheegay inuu waxyaabo wanaagsan Soomaaliya kasoo bartay.

Maxkamada ayaa marka ay dhageysatay sharaxaada labada dhinac, waxey rumeysatay sharaxaada gabadha iyo cadeymaha ay soo bandhigeen laamaha booliska, kuwaas oo ay kujireen sawiro laga qaaday gabadha intii ay Soomaaliya joogtay. Waxeyna labada waalidka ah ku xukuntay inay galeen danbiga lagu soo eedeeyay.

Maxkamada Lyngby ayaa aabaha dhalay caruurta ku xukuntay hal sano oo xabsi ah, halka hooyada lagu xukumay 6 bilood oo xabsi ah. Aabaha ayaa waxaa xabsiga u dheer in lagu xukumay in laga tarxiilayo Denmark, marka uu dhameysto xukunka.

Kiiskan ayaa noqonayo markii ugu horeysay oo waalid loo xukumo kiis la xiriira dhaqan-celin.

Xigasho/kilde: Far udvises for at have sendt datter på genopdragelseslejr i Somalia.

Anklager kræver somalisk par udvist for genopdragelsesrejser.

Kongsvinger: Ardey u dhintay alergi uu ka qaaday cunto uu iskuulka ka cunay.

0

Sida ay xaqiijiyeen laamaha boolisku, wiil yar oo dhigta iskuulka caruurta ee Langeland barneskole ayaa geeriyooday, kadib markii uu fal-celin allergi ah ka qaaday cunto ee iskuulka ku cunay.

Wiilka ayaa sida la sheegay waxa u xanuunsaday isaga oo ka tagay iskuulka, kuna sii socda guriga. Waxaana meydkiisa laga helay meel u dhaxeysa iskuulka iyo guriga.

Teoriga ilaa hada la ogyahay ayaa ah in wiilkan uu allergi ku qabay qaar kamid ah cuntooyinka, ayna dhici karto inuu iskuulka ka cunay cunto, taas oo sababtay in uu ku xanuunsado, kadibna uu geeriyoodo.

Booliska ayaa hada kiis baaritaan ah ka furay kiiska geerida wiilkan.

Xigasho/kilde: Gutt døde etter allergisk reaksjon på skolen:.

Nakstad: Nooc corona ah oo Yurub faro ba’ an ku hayo oo Norway soo gaaray.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa dalalka Yurub laga soo sheegayay nooc cusub oo corona ah, kaas oo loogu magac daray BF.7. Waana nooc ka sameysmay noocii horey loo yaqaanay ee Omikronka.

Ku xigeenka agaasimaha waaxda caafimaadka Norway, Espen Nakstad ayaa sheegay in noocan cusub uu so gaaray Norway, balse aan wali la hubin in noocan cusub ee corona ah uu ka daran yahay kuwii horey loo yaqaanay.

Hey’ adda caafimaadka dadweynaha ee FHI ayaa horey u sheegtay in adkeysiga talaalka ee noocan cusub ee corona ah uu yahay mid aan adkeyn. Taas oo ka dhigan in talaalku uu sidii la rabay uga tagi karin noca cusub.

Nakstad ayaa sheegay in wali khibrad fiican aan loo yeelan noocan cusub, ayna adagtahay in wax ka badan laga dhaho feyruskan, maadaama wali aan wax badan laga ogaan.

Gudaha Norway sarre u kaca dadka uu ku dhacay corona, ayaa wali ah mid si caadi ah u socoto.

Xigasho/kilde: Ny variant med korona-viruset har kommet til Norge.

Men hva dette vil bety er fortsatt for tidlig å Hos nordmenn stiger smitten ganske sakte.

Soomaalida oo guul waaweyn ka keenay doorashooyinkii xaley ee Mareykanka.

0

Doorashadii xilliga dhexe ee Mareykanka ee xalay dhacday waxaa ka qeybgalay musharraxiin Soomaali-Mareykankan ah, kuwaas oo u tartamay xilal kala duwan oo heer degmo, gobol iyo Federaal ah.

Gobolka Minnesota waxaa ka tartamay ilaa 12 musharax, waxaana guuleystay siddeed ka mid ah.

Ilhan Cumar oo markii saddexaad ku guleysatay doorashada kuriga degmada shanaad ee gobolka Minnesota ee Congress-ka Mareykanka.

Maxamuud Nuur, Hodan Xasan iyo Samakaab Xuseen oo loo doortay wakiillo ka tirsan aqalka hoose ee gobolka Minnesota.

Zayban Maxamed ayaa iyana noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaali iyo madow ah oo ka mid noqota Aqalka Sare ee Senate-ka gobolka Minnesota. Waxay sidoo kale noqotay gabadhii ugu da’da yareyd ee ka mid noqda aqalkaas, halkan Cumar Faatax isna dib loogu soo doortay kursigiisii Aqalka Sare.

Fathia Feerayare iyo Cabdul Cabdi ayaa iyagana loo doortay guddiga iskuullada magaalada Minneapolis.

Gobolka Ohio, Ismail Mohamed iyo Munira Abdullahi ayaa ka mid noqday golaha wakiillada gobolkaas.

Gobolka Maine waxaa Aqalka Sharcidejinta kusoo baxay laba gabdhood oo Soomaali ah, kuwaas oo kala ah Maana Cabdi oo aan lala tartamin iyo Deeqa Dhalac, kuwaas oo kusoo baxay doorashooyinkiii ka dhacay magaalooyinka Portland iyo Lewiston.

Deeqa Dhalac ayaa hore u soo noqotay gabadhii ugu horeysay ee Soomaali ah oo duq magaalo ka noqotay Mareykanka.

Xigasho/kilde: VOA SOMALI

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.