33 qof oo sanado badan kadib qaabkan nasiibka ah sharci magangalyo uga helay UDI-da Norway.

0
245

Sida uu qoray wargeyska Vårt land 33 qof oo kamid ah 140 qof oo ah dadka lagu tilmaamo magangalyo-doonayaasha diidmada heysta ee aan aan dalkoodii lagu celin karin(ureturnerbare asylsøkere) mudadda dheerna kunool Norway ayaa helay sharci magangalyo. UDI-da ayaa sheegtay in ilaa hada ay go´aan ka gaareen 81 kiis oo kamid ah 140-ka kiis ee codsiyadda ah, waxeyna sheegeen in 33 qof ya heleen sharci halka, 48 qofna ay diidmo ka heleen codsiga magangalyada.

UDI-da ayaa wargeyska Vårt land u sheegtay in sababta ugu badan ee diidmada ay u heleen 48-da qof ee kamidka ah 140-ka qof ee sharcigan soo codsaday, ay tahay ineysan buuxin shuruudaha lagu xiray fursadan cusub ee la xiriirta dib u codsashada sharciga magangalyada Norway.

Dad gaar ah oo shuruud gaar ah oo adag lagu xiray:

Arrintan fursad cusub siinta qoxootiga mudada aadka u dheer ku noolaa Norway, aana dalkoodii lagu celin karin ayaa aheyd heshiis siyaasadeed ee xisbiga KRF uu la galay xukuumadii ay hogaamin jirtay Erna Solberg. Wuxuuna ujeedku ahaa in xal loo helo kiisaska dad badan oo Norway ay diidmo ka siisay cidsiga magangalyada, hadana ay ku guuleysan weyday inay dalkoodii ku celiyaan, dadkaasna ay muddo sanado aad u badan ah ay go´doon ku noqdeen gudaha Norway.

Halkan ka akhri warkii aan ka qornay arrintan, markii dowladu ay iclaamisay fursadaas cusub.

Mudada codsiga jaaniskaas cusub, ayaa ku ekeyd kowda(1) bishan Desember sanadkan 2021, waxaana magangalyo cusbooneysiin soo codsaday 141 qof, kuwaas oo 33 kamid ah ay magangalyo heleen, halka 44 qofna loo diiday magangalyo, maadaama aysan buuxin shuruudaha, sida ay UDI-du u sheegtay wargeyskaas. Waxaa xusid mudan in qaar kamid ah dadka magangalyada la siiyay, ay heleen magangalyo sanad walba la cusbooneysiinayo, maadaama aysan heysan waraaqo aqoonsi oo dalalkoodii ay kala imaadeen.

Shuruudaha lagu xiray dadkaas lagu xiray, waxaa kamid ah:

  • Waa inuu qofku Norway degenaa kowdii(1)bishii January(1) ee sanadkii 2019.
  • Waa in marka la isku daro da´da qofka iyo mudada uu Norway joogay ay isku noqonayaan 65 sano. Tusaale ahaan waa in qofku uu da´ahaan jiraa 49 sano, uuna Norway ku noolaa 16 sano( 49+16=65). Ama uu qofku jiro 35 sano, uuna Norway ku noolaa 30 sano (30+35=65)..iwm
  • Waa inuusan wax danbi ah Norway ku galin mudadaas uu dalka ku noolaa. Ama aan loo xukumin inuu jabiyay sharciga Norway
  • Waa inuu qofku codsiga sharci siinta cusub soo gudbiyaa ugu danbeyn kowda(1) bisha Desember(12) ee sanadkan.
  • Sida uu qoray wargeyska Vårtland, dadka ugu badan ee ka faa´iideystay fursaddan, ama helay magangalyada ayaa kasoo jeedo dalalka Ethiopia, Ereteriya iyo Iran.

    Xigasho/kilde: 33 ureturnerbare har fått opphold

    Subscribe
    Notify of
    guest

    Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

    0 Comments
    Inline Feedbacks
    View all comments