torsdag, mars 28, 2024

Turkey oo Sweden ku qasabtay wax ka badalista dastuurteeda.

Baarlamaanka Sweden ayaa Arbacadii meel mariyay wax ka bedelka dastuurka dalkaas, kaas oo suurta-gelinaya in la meel mariyo sharciyo adag oo ka dhan ah argagixisada, taas oo ah dalab muhiim ah oo ka yimid Turkiga, si loo ansixiyo xubinnimada Stockholm ee isbaheysiga NATO.

Kadib markii uu Ruushku ku duulay Ukraine, Sweden iyo Finland waxay ka tageen siyaasadii ay muddada dheer kusoo jireen ee aheyd dhex-dhexaadnimada, waxayna codsadeen inay ku biiraan isbahaysiga milatari ee NATO.

Balse Turkiga ayaa is-hortaagay codsiyadii Sweden iyo Finland ee xubinnimada NATO, isagoo ku eedeeyay Stockholm gaar ahaan inay hoy u tahay «argagixisada».

Mooshinka wax ka bedelaka dastuurka, oo lagu ansixiyay 278 cod oo ka tirsan baarlamaanka Sweden oo ka kooban 349 kursi, ayaa suurtogal ka dhigaya in lasoo saaro sharciyo cusub oo lagu xaddidayo xorriyadda ururrada marka ay timaado ururada ku howlan ama taageera argagixisada.

Khubarada ayaa sheegay in sharci cusub uu sahli doono in dacwad lagu soo oogo xubnaha xisbiga shaqaalaha Kurdistan ee PKK oo ay Ankara iyo inta badan xulafadeeda reer galbeedka ay mamnuuceen.

Is-badalka lagu sameeyay dastuurka ayaa dhaqan-geli doona 1-da Janaayo.

Booqasho uu ku tagay Ankara toddobaadkii hore, ra’iisul wasaaraha cusub ee Sweden, Ulf Kristersson, ayuu ku tilmaamay wax ka bedelka dastuurka “tallaabo weyn”.

“Sweden waxa ay qaadi doontaa tillaabooyin waaweyn dhamaadka sanadka iyo horraanta sanadka soo socda taasi oo siin doonta hay’adaha sharciga Sweden awood dheeri ah oo ay kula dagaallamaan argagixisada” ayuu ku yiri shir jaraa’id oo ay wada jir u qabteen madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

XIGASHO/KILDE: VOASOMALI

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x