søndag, mars 16, 2025
Home Blog Page 33

Booliska Oslo oo qof kale usoo qabtay dilkii saaka ka dhacay Grønland.

0

Booliska magaaladda Oslo ayaa caawa fiidkii shir jaraa’ id oo ay qabteen ku sheegay inay soo xireen nin sodomeeyo jir ah, kaas oo lagu eedeynayo inuu ka danbeeyay dilkii saaka aroortii ka dhacay xaafadda Grønland ee Oslo.

Ninkan ayaa sida ay boolisku sheegeen, waxaa laga soo qabtay guri kuyaal magaaladda Oslo. Waxeyna boolisku sheegeen inuu yahay qof horey loo yaqaanay oo boolisku ay aqoon ugu lahaayeen, iyaga oo caawa isku dayi doono inay wareysi ka qaadaan.

Booliska ayaa maanta sheegay in dilkan uu sida muuqdo yahay mid la xiriira khilaaf ka dhaxeeyo kooxo danbiiley ah( Gjeng). Halkan kasii akhriso.

Xigasho/kilde: Nok en pågripelse etter Grønland-drapet – siktet for drap.

Oslo: Maxaa ka cusub dilka wiilkii soomaaliga ahaa ee saaka Grønland lagu dilay.

0

Si aan saaka soo tabinay, waxaa xaafadda Grønland ee magaaladda Oslo saaka aroortii hore lagu dilay wiil labaatameeyo jir ah, kaas oo dilkiisa loo adeegsaday xabado. Shaqaalaha gargaarka deg-dega ah oo goobta uu weerarka ka dhacay soo gaaray, ayaa waqti kooban kadib sheegay in wiilkaas uu u geeriyooday dhaawacyaddii xabadda ee lagu dhuftay.

Booliska ayaa saaka aroortii horeba sheegay in sida muuqatay uu dilkan ahaa mid aan si kadis ah ama kula talagal aheyn u dhacay, waxeyna sheegeen in wiilka dhintay uu ahaa qof ay horey boolisku aqoon ugu lahaayeen.

Maanta duhurkii ayay boolisku sheegeen inay soo qabteen labo qof oo lala xiriirinayo falkan, kaas oo mid kamid ah lagu eedeeyay inuu lug ku lahaa falka dilka ah. Halkan qofka kalena la sheegay inuu goob joog ama markhaati ka ahaa meesha uu falka ka dhacay.

Xiriir ayaa ka dhaxeeyo wiilka dhintay iyo eedeysanaha:

Booliska ayaa maanta shir jaraa’ id oo ay qabteen ku sheegay in wiilka dhintay iyo kan dilka lagu tuhmayo inuu ka danbeeyay uu ka dhaxeeyo xiriir, dilkana uu ku xiriirsanyahay falal ugaarsi ah oo u dhaxeey kooxo danbiiley( Gjeng) oo ka howlgala magaaladda Oslo.

Ingebjørg Hansen oo ah madaxa qeybta danbi-baarista booliska ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay in wiilka la dilay uu katirsanaa koox ka howlgasha magaaladda Oslo, horeyna uu loogu soo xukumay falal kala duwan oo danbiyo la xiriira.

Wiilka ay boolisku u qabteen falka dilka ah ayaa iska fogeeyay inuu wax xiriir la leeyahay kiiskan, sida uu qareenkiisu u sheegay warbaahinta.

Sida ay NorSom News xaqiiqsatay, wiilka geeriyooday ayaa ahaa wiil soomaali ah oo da’ ahaan jiray labaatameeyo.

Falkan dilka ah ee xaley ka dhacay Oslo ayaa noqonayo kii sadexaad ee bil gudaheed ka dhacay magaaladda, waxaa Oslo maalmihii ugu danbeeyay kusoo badanayo falalka dilka ama burcadnimadda la xiriira.

Xigasho/kilde: Politiet: – Den avdøde tilhørte et kriminelt miljø.

Oslo: Qof toogasho lagu dilay xaafadda Grønland.

0

Sida ay Boolisku xaqiijiyeen, waxaa meel aan wax badan ka fogeyn maxadadda T-bane-ka Grønland saaka aroortii hore lagu dilay qof. Qofka la dilay ayay boolisku ku sheegeen inuu da´ahaan yahay labaatameeyo jir ah.

Hey´addaha caafimaadka oo goobta uu falka soo dhacay soo gaaray ayaa daqiiqado kooban kadib xaqiijiyay inuu geeriyooday qofka oo dilkiisa loo adeegsaday xabado.

Booliska ayaa sheegay inuu xiriir ka dhaxeeyo qofka la dilay, iyo qofka lagu tuhmayo inuu falkan dilka ah ka danbeeeyay, waxeyna sheegeen in sida muuqato uusan dilkan aheyn mid si kadis ah ama qaab aan lagu talagalin ku dhacay.

Sida uu qoray wargeyska Avisen Oslo, booliska ayaa xiray buundada aaga uu falka ka dhacay, waxeyna hada wadaan baaritaano xoogan oo arrintaas la xiriira.

Rune Hundere  oo u hadlay ayaa falkan ku tilmaamay mid halis ah.

Xaafadda Grønland ayaa kamid ah xaafaddaha ay ajaaniibtu iyo soomaalidu aad ugu badanyihiin magaaladda Oslo, waxaana aaga uu falkan ka dhacay kuyaal dukaamo iyo ganacsiyo badan oo u badan kuwa ay leeyihiin dadka soo galootiga ah.

Wixii arrintan kusoo kordha, dib ayaan kasoo galin doonaa.

Haweenay uur aysan laheyn NAV u sheegtay, lacagna ku heshay oo la xukumay.

0

Maxkamadda Haugaland iyo Sunnhordland ee gobolka Rogaland, ayaa lix(6) bilood oo xabsi ah iyo 5000 kr ganaax ah ku xukuntay haweenay labo mar oo kala duwan uur been ah u sheegtay hey\’ adda NAV, si ay lacag uga hesho.

Haweeneydan oo danbigeeda qiratay ayaa NAV ka hesahay 418 860 kr oo qaab xaq daro ah ku heshay.

Haweeneydan ayaa bishii August ee sanadkii 2019 hey´adda NAV ka codsatay kaalmadda lacageed ee la siiyo haweenka uurka leh ee shinkoodu uu dhawaaday. Waxa ayna codsiga raacisay warqad cadeyneyso uurka ay leedahay, taas oo ka timid isbitaalka magaalada Stavanger, cadeyneysana in haweeneydan ay uurka ku wado sadex ilmood oo la sugayo inay dhashaan dhamaadka bisha November ee sanadkaas.

NAV oo rumeysatay macluumaadka ay haweeneydan soo gudbisay ayaa haweeneyday siisay kaalmo dhaqaale oo gaareysa 249.420 kr. Balse waxaa gadaal laga ogaaday in haweeneydan aysan war uur ah laheyn, warqadaha cadeynta uurka ee codsiga ay raacisayna, ay ahaayeen kuwo faaliso ah oo la been-guuriyay.

Mar kale ayay hadana bishii September soo gudbisay waraaqo kale oo faaliso ah kuwaas oo sheegayo in uurkii sadexda mataanaha ahaa ee ay waday uu ka dilmay, kadib markii ay sumowday( sun uurkeeda saameysay).

Mar kale iyo uur kale:

Intaas hore kuma aysan ekaan e, haweeneydan ayaa bilo kadib, hadana bishii April ee sanadkii 2020 soo gubdisay codsi kale oo ay u dirtay NAV. Kaas oo ay ku codsaneyso in la siiyo lacagta uurka, maadaama ay markan wado uurka labo ilmood oo mataano ah. Waxeyna codsiga soo raacisay waraaqda cadeynta uurka oo ka socoto isbitaalka Stavanger, iyo waraaqda caafimaadka oo ka timid mid kamid ah xarumaha caafimaadka magaalada. Mar kale ayay xeer ilaalintu sheegtay inay faaliso gareysay waraaqda cadeynta uurka ee isbitaalka iyo waliba mida caafimaadka.

Balse NAV oo markan tuhun galay ayaa diiday inay aqbasho codsiga cusub ee haweeneydan ay ku dalbaneyso in la siiyo lacagta uurka.

Maxkamdda ayaa hada haweeneydan ku xukuntay xabsi, iyo inay bixiso ganaax lacageed. Qareenkeeda ayaa sheegay in ay qiimeynayaan inay racfaan ka qaataan go’ aanka maxkamadda.

Xigasho/kilde: Løy om trillinggraviditet – nå er hun dømt

Qiyaastii 33% dadweynaha Norway ayaan ku qancin shaqada R.w J. G. Støre.

0

Xog uruurin laga sameeyay bulshada Norway ayaa lagu ogaaday in ku dhawaad 33% dadweynaha xog uruurinta ka qeybqaatay aysan ku qanacsaneyn shaqada uu qabtay reysulwasaaraha Norway, Jonas Gahr Støre iyo xukuumadiisa. Tiradaas ayaa qiyaastii u dhiginta sadex meelood meel bulshada(1/3).

17% dadka xog uruurinta ka qeybqaatay ayaa sheegay inay aaminsanyihiin in reysulwasaaruhu uu shaqo fiican qabtay. Dadka xisbi ahaan u codeeya ama taageera siyaasadda xisbiga shaqaalaha ee Ap ayaa iyagu dhankooda ku qanacsan shaqada xukuumadda uu hogaamiyo Støre.

Ku qanacsanaan la’ aanta qeybo badan oo bulshada kamid ah ee shaqada xukuumadda reysulwasaaraha, ayaa waxaa garab socdo in xisbiga shaqaalaha ee Ap uu lumiyay taageeradda dad aad u badan sanadkii ugu danbeeyay. Wuxuuna hada xisbigu ku socdaa inuu lumiyo taageeradii ugu badneyd ee mudo 50 sano kor u dhaafeyso.

Xukuumadda reysulwasaare Solberg ayaa dhaxashay dhibaatadda corona uu ku keenay dhaqaalaha Norway, waxaana intaas usii dheer sicirka korontada oo qaaliyoobay, iyo dagaalka Ruushka iyo Ukraine oo saameyn dhaqaale iyo maciishadeed oo xoogan ku yeeshay bulshada Norway.

Xigasho/kilde: Hver tredje nordmann mener Støre gjør en dårlig jobb.

Kenya: Askarigii ku caanbaxay dilka burcadda oo maxkamad lasoo taagayo.

0

Askari ka tirsan booliiska Kenya oo caan noqday ka dib markii muuqaallo lagu duubay mobilada ay muujiyeen isaga oo dilaya laba wiil sannadkii 2017 ayaa lagu wadaa in lagu soo oogo dacwad dil.

Hay’adda Madaxa-banaan ee Kormeerka Booliska (IPOA) ayaa sheegtay inay heshay dacwado ka dhan ah Dable Axmed Rashiid ee maalin cad labada  wiil ku dilay xaafadda Islii ee Nairobi bishii Marso 2017-kii.

Labadan qof ayaa ahaa kuwo aan hubeysneyn markii si xun loogu toogtay bartamaha xaafadda Islii iyadoo looga shakiyay inay fal dambiyeed ka geysteen gudaha xaafadda.

Si kastaba ha ahaatee, shantii sano ee la soo dhaafay, baaritaannada dilkooda ayaa hakad galay, inkastoo si weyn loo ogaa in ay dileen askar ku sugneyd Saldhigga Booliska Pangani.

Guddoomiyaha Hay’adda IPOA, Anne Makori ayaa maanta sheegtay in askariga lagu soo oogi doono dilka Jamaal Maxamed iyo Maxamed Dhair Kheri.

«Hay’adda madaxa banaan ee kormeerka booliiska ayaa soo gabagabeysay baaritaankii dhimashada Jamaal Maxamed iyo Maxamed Daahir Kheri ka dib toogasho ka dhacday xaafadda Eastleigh, ee ismaamulka Nairobi, waxaana la ogaaday in dhimashada ay ka dhalatay dil uu booliis geystay,» ayay tiri Ms Makori.

Waxaa lala xiriiriyay dhowr dil oo kale balse waligiis laguma soo oogin dacwad ka dhan ah dilkiisa. Dable Rashiid ayaa la og yahay in uu baraha bulshada uga digay shaqsiyaad uu sheegay in ay sharciga jabiyeen.

Tallaabadan ayaa waxay daba socotaa baaritaano bilo ay wadday IPOA oo ay ku sameyneysay natiijooyinka uu hadda taageeray Xeer Ilaaliyaha Guud ee Kenya.

Dable Axmed ayaa la rumeysan yahay inuu ka mid ahaa koox boolis ah oo loo yaqaan «Pangani 6» kuwaas oo ammaan iyo cambaareyn kala kulmay dadka Kenyaanka ah sida ay ula dhaqmeen kooxaha dambiilayaasha ah ee magaalada.

Saraakiishan ayaa lagu eedeeyay in ay geysteen dilal sharci darro ah. Dilalka dhacay in ka badan shan sano ka hor, ayaa lagu daray baaritaanka BBC Afrika Eye ee 2018-kii.

 Arrintan ayaa ku soo beegantay toddobaadyo uun ka dib markii ay dawladdu ku dhawaaqday in la kala dirayo koox caan ah oo lagu eedeeyay dil, jidh dil, baad iyo afduub loo geystay tobbanaan Kenyan ah.

Kow iyo toban sarkaal oo ka tirsan qeybtaas ayaa wajahaya eedeymo dhowr ah kuwaas oo maxkamad la soo taagayo.

Dambiyada loo haysto waxaa ka mid ah labo muwaadin oo Hindi ah iyo darawalkoodii bishii Luulyo la waayay.

Xigasho/kilde: BBCSOMALI

Booliska oo joojiyay qoditaankii raadinta wiilka soomaaliga ah ee la waayay.

0

Booliska gobolka Finnmark ee dalkan Norway ayaa arbacadii bilaabay qoditaanka afaafka hore ee hoolka ciyaaraha Hammarfest, iyaga oo sheegay inay ka baarayaan meydka wiil soomaali ah oo boolisku ay tuhunsanyihiin in la dilay. Abdullahi Mohamud Dayib oo ah 23 sano jir soomaali ah ayaa la waayay dhamaadka bishii Desember ee sanadkii 2020, waxaana ilaa hada aan laga helin wax xog ah oo muujineyso nolol iyo geeri. Halkan kasii akhri.

Booliska ayaa shir jaraa’ id oo ay qabteen shaley galinkii danbe ku sheegay inay joojiyeen qoditaankii ay labadii(2) maalmood ee ugu danbeeyay ka wadeen goobtaas ay calaamadiyeen, kadib markii ay ka heli waayeen wax muujinayo in 23-jirka la waayay halkaas meydkiisa lagu qariyay. Booliska ayaa markii hore sheegay inay tuhunsanyihiin in Abdullahi la dilay, halkaasna lagu aasay.

Pettersen oo ah Madaxa baaritaanadda booliska ayaa sheegay in boolisku weli ay tuhunsanyihiin in 23-sano jirka soomaaliga ah lagula kacay fal danbiyeed la isku dayayo in la qariyo. Waxeyna sheegeen inay sii wadi doonaan baarinaaadda kiiskan, ayna wareysan doonaan dadka xog-ogeyaal ama markhaatiyaal noqon karo.

Cabdullahi oo sanadkii 2011 soo degay Hammarfest, ayaa sida ay boolisku sheegeen waxaa markii ugu war danbeysay ee la hubo aragtidiisa aheyd 18-kii bishii Desember ee sanadkii 2020. Waxaana boolisku ay si baahsan u faafiyeen xogtiisa lixdii(6) Bishii January ee sanadkii 2021, xiligaas oo qoyskiisa oo maalmo badan aan xogtiisa iyo xiriirkiisa helin ay boolisku lasoo xiriireen.

Booliska ayaa sheegay inay heleen macluumaadyo tiro badan oo ku saabsan kiiska waayitaanka wiilkan soomaaliga ah.

Xigasho/kilde: Stopper søket etter Abdullahi Dayib Mohamud – fortsetter etterforskningen.

Norway: Booliska oo meydka wiil soomaali ah oo la waayay ka baaraya hoolkan agtiisa.

0

Booliska gobolka Finnmark ee dalkan Norway ayaa maanta bilaabay inay qodaan afaafka hore ee hoolka ciyaaraha ee magaaladda Hamarfest. Iyaga oo sheegay inay ka baarayaan meydka Abdullahi Dayib Mohamud oo ah 23 sano jir soomaali ah oo la weysanaa ku dhawaad labo(2) sano.

Booliska ayaa war saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in xog uruurin ay sameeyeen, cadeymo ay uruuriyeen iyo natiijadda baaritaan dheer oo ay sameeyeen kadib, ay tuhansanyihiin in Abdullahi uu la dilay, kadibna lagu duugay afka hore ee hoolka ciyaaraha ee Hammarfest.

Madaxa baaritaanadda booliska Finmark ayaa sheegay in 100% aysan hubin tuhunkooda, balse ay qodayaan aagaas ay tuhansanyihiin, kadibna ay baaritaan sameyn doonaan.

Cabbdullahi ayaa oo sanadkii 2011 soo degay Hammarfest, ayaa sida ay boolisku sheegeen waxaa markii ugu war danbeysay ee la hubo aragtidiisa aheyd 18-kii bishii Desember ee sanadkii 2020. Waxaana boolisku ay si baahsan u faafiyeen xogtiisa lixdii(6) Bishii January ee sanadkii 2021, xiligaas oo qoyskiisa oo maalmo badan aan xogtiisa iyo xiriirkiisa helin ay boolisku lasoo xiriireen.

Barnaamijka Åssted Norge ee muuqaal-baahiyaha TV2 ayaa horey warbixin uga sameeyay kiiska wiilkan soomaaliga ah ee aan wali lagu guuleysan in raq ama ruuq xogtiisa la keeno. Åsted Norge ayaa ah barnaamij ay boolisku iyo TV2 kusoo bandhigaan kiiskan fal-danbiyeedyada muhiimka ah ama xasaasiga ah ee bulshada saameynta ku leh.

Booliska ayaa sheegay inay heleen macluumaadyo tiro badan oo ku saabsan kiiska waayitaanka wiilkan soomaaliga ah. Waxeyna sheegeen inay sameeyeen baaritaano dheer oo socday muddo 2 sano ah, hadana ay go\ aansadeen inay qodaan aag cayiman oo kuyaal afaafka hoolka ciyaaraha ee Hammarfest, si ay u hubiyaan in halkaas laga helo.

Booliska ayaa sida ay sheegeen iyaga oo ka duulayo xogaha ay heleen, hada tuhunsan in Abdullahi uu la dilay, kadibna lagu aasay aagaas ay hadda baarayaan.

Qoyska wiilkan oo la hadlay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay rajeynayaan in boolisku ay helaan wiilkooda, kadibna ay jawaab kama dambeys ah ka helaan waxa ku dhacay. Abdullahi Walaashiis oo wargeyska Ifinmark la hadashay ayaa sheegtay in qoysku ay jeclaan lahaayeen helitaanka jawaabta kiiskan, si qoysku ay jawaab samirsiin ah u helaan, kadibna ay duug iyo aasitaan sax ah u sameeyaan. Waxeyna raacisay in saameyn xoogan uu kiiskan ku yeeshay qoyska oo culeys iyo dareen xoog leh uu ku keenay waayitaanka wiilkoodii oo aan ilaa hada la helin.

Xigasho/kilde:

Politiet graver etter savnet 23-åring i Hammerfest

Søsteren til Abdullahi: – Vi håper at han nå blir funnet.

Oslo: Nin xabad lagu dhaawacay oo laga helay afaafka dukaanka Ikea-Furuset.

0

Sida ay booliska Oslo sheegeen, waxaa afaafka dukaanka Ikea ee xaafadda Furuset laga helay nin dhaawac ah oo xabado ah lagu dhuftay. Ninkan oo dhaawiciisu daranyahay, ayaa loo kaxeeyay isbitaalka Ullevål ee magaalada Oslo.

Booliska ayaa Twitterkooda ku qoray in ninkan lagu dhaawacay agagaarka kaniisadda Furuset, laakiin uu isaga oo dhaawac ah galay baabuur TAXI ah, kaas oo usoo kaxeeyay dukaanka Ikea. Waxeyna boolisku sheegeen inay ku dabo jiraan dadkii falkan ka danbeeyay.

Booliska ayaa wali baaritaano ka wado meesha uu falka ka dhacay, waxa ayna wareysanayaan goobjoogayaal ka ag-dhawaa goobta uu falkaasi ka dhacay.

Q.M: Norway waxa ay kiiskan ku jabisay xeerka xuquuqul insaanka.

0

Gudiga xuquuqul insaanka Qaramadda ayaa sheegay in dowlada Norway ay jabisay xeerka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka, kadib markii wiil labo(2) jir reer Afghanistan ah lagu xareeyay xabsiga qoxootiga ee Trandum. Halkaasna uu ku jiray 76 maalmood.

Sida uu qoray wargeyska VG, qoyska wiilka labo(2) jirka ahaa xiliga uu falkan dhacay, ayaa hada 10 jirsaday. Waxa uu ku noolyahay dalka Afganistan.

Qoyska wiilka ayaa sanadkii 2012 magangalyada ka codsaday Norway, balse sanadki 2013 ayay diidmo la heleen codsigooda magangalyada. Sanadkii 2014 ayaa qoyskaas reer Afghaanistaan oo uu kujiro wiilka 2 sano jirka ah lagu xareeyay xero-xabsiyeedka qoxootiga ee Trandum.

Trandum ayaa ah meel xabsi ahaan u sameysan oo Norway ay ku xareyso qoxootiga ay rabto inay dalkeeda ka tarxiisho ama dhulkoodii si qasab ah ugu celiso.

Afgaanistan ayaa xiligiisa diiday in qoyskan ay qaabisho ama dalkeeda soo galaan, waxaana qoyskii dib loogu soo celiyay Norway. Waxaana lagu celiyay xerada Trandum halkaas oo ay kujireen 76 maalmood. Mar labaad ayaa qoyskan laga tarxiilay Norway, waxaana markan loo ogolaaday inay galaan Afgaanistaan.

Ururka xuquuqul insaanka qaramadda midoobay in ku heynta labaad ee qoyskan, gaar ahaan ilmaha labo jirka ah lagu hayay Trandum ay aheyd mid ka baxsan xuquuqda insaanka. Waxeyna Q.M midoobay soo jeedisay in magdhow dhameystiran la siiyo wiilkan oo hada 10 sano jirsaday.

Qaramadda Midoobay iyo waliba hey´addaha xuquuqda caruurta iyo kuwa insaanka ayaa horey marar badan ugu celceliyay in Trandum aysan aheyn meel ku haboon in lagu xiro ama lagi xabiso caruurta.

Norway ayaa horey u siisay qoyska u siisay 70.000 kr oo magdhow ah.

Xigasho/kilde: orge brøt menneskerettighetene: Toåring sperret inne på Trandum i 76 dager.

Shirkadaha ceymiska oo baabuurleyda uga digayo arrintan: Masuul darawalkaa ah.

0

Waxaa meelo badan oo dalkan Norway kamid ah isbuucan ka bilowday da´itaanka barafka oo sanadkan kasoo daahay xiligiisii, iyada oo goboladda koonfurta la filayo in maalmaha soo socdo, gaar ahaan beri uu baraf ka xoogan, sida a sheegeen hey´addaha saadaasha hawada.

Maalmaha koowaad ee da´itaanka barafku uu bilowdo, waa sida badan Norway ka dhaca shilal baabuur oo badan, waxaana wadooyinka ka abuurma isku dhex yaac iyo safaf dhaadheer oo baabuurta ah. Mid kamid ah sababa ugu badan ee dhaliya shilalka baabuurta maalmaha ugu horeeyo ee barafku daó, ayaa ah in baabuur badan aysan wali badalin taayirka xagaaga, taas oo keeneyso in baabuurku uu qabatimi waayo wadada barafku ku da´ay.

Hey´addaha gaadiidka iyo shirkaddaha ceymiska ayaa baabuurleyda uga digayo in jawi baraf ah ay baabuurka ku wadaan taayiradda xagaaga ama khafiifka ah. Arrintaas oo ay sheegeen inay halis galineyso nafta darawalka iyo badqabka gaadiidka kale ee waddada adeegsadda.

Shirkaddaha ceymiska ayaa darawaliinta xusuusinayo in sharciga wado-marista Norway, uu darawalka saarayo masuuliyada xaqiijinta xaaladda wadadda kahor inta uusan baabuurka jidka soo galin, uuna baabuurka u diyaariyo sidii uu qaab badqab ah ugu socon lahaa jidka. Waxeyna sheegeen in hadii uu shil ka dhasho arrintaas, uu darawalku qaadayo masuuliyada.

Xigasho/kilde: Advarer mot sommerdekk

Norway: Dad badan oo sheegay inay isku arkeen ilowsho, kadib markii uu corona ku dhacay.

0

Baaritaan laga qaaday 33.000 qof oo Norway kunool, ayay ku dhawaad 3300 kamid ah dadka baaritaanka lagu sameeyay iu sheegeen inay isku arkeen ilowsho ama xusuus guur, kadib markii uu corona ku dhacay.

Warbixinta baaritaanka ayaa lagu sheegay in saameynta ilowsho yarida ee qofka ay sii xoogeysato, marka uu qofka corona ku dhaco labo mar iyo ka badan.

Baaritaankan isbitaalka jaamacadda Oslo ayaa noqonayo kii labaad ee lagu sameeyo saameynta corona ee la xiriirta xusuus guurka ama ilowsha. Sanadkii 2020 ayaa baaritaan hordhac ah lagu qaaday in dadkii uu ku dhacay corona qaarkood, ay ka sheeganayeen saameyn ay kamid tahay ilowsha ama xusuus guur.

Dad badan oo uu ku dhacay corona ayaa sheegtay inay isku arkeen saameyn kala duwan oo ay kamid tahay ilowshiiyaha ama xusuusta oo yaraata. Waxeyna dadka ugu badan sheegteen inay saameyn ay ka dareemeen dhanka madaxa.

Inkasta oo arrintan aysan aheyn mid halis caafimaad oo weyn xambaarsan, sida ay dhakhaatiirta baaritaanka sameysay sheegeen, hadana waxey sheegeen inay dadka ka shaqeeya shaqooyinla qaarkood ay caqabado u keeni karto.

Xigasho/kilde: Flere sier de har fått dårligere hukommelse av korona.

Safaaradda Norway : Hadii ay jiraan dad soomaali Norwiiji ah oo ku waxyeeloobay Zoobe 2, hanala soo xiriiraan.

0

Maalintii axadda aheyd, jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkan Norway ayaa kulan tacsi iyo lacag uruurin ah u sameeyay dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii Zoobe 2 ee magaalada Muqdisho ka dhacay dhamaadka bishii lasoo dhaafay.

Kulanka oo ay kasoo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee Norway, ayaa waxaa sidoo kale marti ku ahaa madaxa xafiiska Muqdisho ee safaaradda Norway ee Soomaaliya, Haakon Svane iyo siyaasiyiin katirsan siyaasadda magaalada Oslo. Waxaana kulanka lagu qabtay aqalka xisbiga Høyre ee Oslo, iyada oo hoolka ama lokalka lagu qabtay uu ku deeqay xisbiga Høyre, laantiisa Oslo.

Madaxa Xafiiska Safaaradda Norway ee Soomaaliya, ayaa dareenkiisa la qeybsaday bulshadii soomaaliyeed ee kulanka kasoo qeybgashay. Isaga oo raaciyay in maalinta uu qaraxa dhacayo, uu ku sugnaa gurigiisa oo kuyaal xaafadda Xalane, taas oo qiyaastii 2 km u jirta meesha uu qaraxa ka dhacay. Wuxuuna sheegay in gurigii uu ku sugnaa uu gariiray, halkaas uu ka gartay saameynta uu yeelan karo qaraxa dhacay ee saameyntiisa laga dareemay masaafo aad u fog.

«Marka uu qaraxu dhacayo, waxaan ku sugnaa gurigeyga oo kuyaal Xalane, taas oo qiyaastii 2 km u jirta meesha uu qaraxa ka dhacay. Gurigii aan ku sugnaa ayaa gariiray, waxaana markaasba dareemay weynaanta iyo saameynta qaraxa dhacay. Markiiba waxaa bilowday sawiradda, waxaana ogaanay in qarax weyn dhacay»..

Haakon ayaa kulanka ka sheegay inay muhiim in safaaradda ay lasoo xiriiraan, hadii ay jiraan dad soomaali-Norwiiji ah oo qaraxa Muqdisho ka dhacay ay waxyeelo kasoo gaartay oo Soomaaliya ku sugan. Safaaraduna ay u fidin doonto caawinaad ama ay la socon doonto xaaladooda.

«Hadii ay jiraan dad aad taqaaniin ama qaraabadiina ah oo qaraxa waxyeelo uu kasoo gaaray, waxaan ku dhiirigalinayaa inay xiriir safaaradda lasoo sameeyaan, si aan ula socono xaaladooda».

Muuqaalka iyo hadaladii laga jeediyay kulanka, dib ayaan kasoo galin doonaa.

FHI: Dad badan ayaa shaqada corona dartii uga maqnaan kara.

Hey´adda caafimaadka dadweynaha Norway ayaa warbixinta isbuuca ku sheegtay in Norway ay ka bilaabatay mawjad cusub oo feyruska corona ah, sida laga dareemayo xarumaha caafimaadka dalka.

FHI ayaa warbixinteeda ku sheegtay in dad badan ay isbuucyada soo socdo shaqada uga maqnaan karaan corona Awgiis, sidaas darteed ay muhiim tahay in goobaha caafimadka ay arrintaas isku diyaariyaan.

Dowlada: Dhamaan dadka u dhaxeeyo 18 ilaa 64 sano, wey qaadan karaan irbada 4.aad.

War saxaafadeed kasoo baxay dowlada dalkan Norway ayaa lagu sheegay, in dhamaan dadka ay da´doodu u dhaxeyso 18 ilaa 64 sano, aana qabin xanuunadda ay fursad u heli karaan qaadashada irbada 4.aad ee talaalka corona.

Wixii hada ka horeeyay dadka waayeelka ah ee ay da´doodu ka weyntahay 64 sano, ama dadka qaba xanuunadda qaarkood ayaa fursad u heli jiray qaadashada talaalka afaraad(4) ee corona. Balse dowlada ayaa hada go´aamisay in dhamaan dadka ka yar 18 sano sidoo kale ay qaadan karaan irbadda 4.aad ee talaalka corona.

Go´aanka dowlada ayaa kusoo aaday xili isbuucyadii ay soo kordhayeen tirada dadka uu so ridanayo feyruska corona, waxaana sidoo kale kordhay tirada dadka uu ku dhacayo feyruska oo la sheegay inuu aad ugu soo badanayo Norway, xili la gaaray bilihii qaboobaha.

Wasiiradda caafimaadka Norway Ingvild Kjerkol ayaa sheegtay in go´aankan ay dowladu qaadatay, kadib markii ay talo ka heleen hey´addaha caafimaadka Norway. Talaalkuna uu ilaa hada yahay qaabka ugu weyn ee dowladu kula tacaaleyso dhibaatadda feyruska corona.

Wasiiradda ayaa sheegtay dowladdaha hoose iyo maamuladda degmooyinku ay hada qaadashada talaalka afaraad u bandhigi karaan dadka ka shaqeeya caafimaadka ee safka hore kujiro. Waxeyna wasiiraddu raacisay in hadii dad badan ay qaataan talaalka, si fiican loogu diyaar-garoobi karo hadii xaaladda corona ay sii xumaato.

Degmooyinka Norway ayaa maamulayo sidii loo qeybin lahaa talaalka, loona gaarsiin lahaa ama fursadda talaal-qaadashada loogu bandhigi lahaa dadweynaha.

Xigasho/kilde: Alle i alderen 18 til 64 år får tilbud om oppfriskningsdose koronavaksine.

Maxkamaddaha Norway oo aan laheyn qalabka codadka duuba: Socon meyso!.

0

Sida uu qoray wargeyska Aftenposten, baarlamaanka Norway ayaa sanadkii 2005 ansixiyay in dhamaan maxkamaddaha Norway lagu rakibo qalabka ama system duuba codadka dhageysiyadda kiisaska dacwadda ee ka socdo maxkamaddaha.

17 sano sano kadib go aankaas uu baarlamaanka Norway gaaray, inta badan maxkamaddaha Norway ayaan laheyn qalabka duuba codadka, waxaana arrintaas aad u cambaareeyay ururka qareenadda, ururka garsoorayaasha maxkamaddaha iyo maamulka maxkamaddaha.

Kirsten Blekestad oo ah gudoomiyeha ururka ay ku mideysanyihiin garsoorayaasha Norway ayaa sheegtay inay aheyd in xili hore lagu xiro qaacaddaha Norway qalabka codadka duubo, si hadhow loo xaqiijiyo waraaqaha lagu qorto dhageysiyadda( hadii tuhun ama shaki yimaado).

Wasaaradda cadaaladda Norway ayaa sheegtay in si tijaabo ah sanadkii 2019 loo bilaabay in afar(4) kamid ah 23-ka maxkamadood ee Norway lagu xiro qalabka wax lagu dhageysto. Waxeyna sheegtay in dhamaadka sanadkan la qiimeyn doono warbixinta kasoo baxdo tijaabadda kadibna go aan laga gaari doono arrintaas.

Sven Marius Urke oo ah agaasimaha maamulka maxkamaddaha Norway ayaa sheegytay in shaki la aan ay tahay in hadii qalabka codadka duubo lagu xiro ay wanaag u ahaan laheyd xaqiijinta saxnaanta dhageysiyadda kiisaska maxkamaddaha.

Xigasho/kilde: Norske rettssaler mangler fremdeles lydopptakere: – Uholdbart.

VG: Qareen booliska ku eedeeyay dhimashada nin jaajuus u ahaa iyaga.

0

Qareenka lagu magacaabo Jon Anders Hasle ayaa booliska Norway ku dacweeyay dhimashada nin booliska jaajuus u ahaa, kaas oo la dilay sanadkii 2021. Ninka dilka ku eedeysan ayaa ah qofkii ay boolisku u direen ninka dhintay, si uu usoo jaajuuso ama xogtiisa uu booliska ula soo wadaago.

Bård Lanes oo ahaa 33 sano jir Norwiiji ah ayaa 20-ka bishii April lagu dilay magaaladda Tønsberg ee dalkan Norway. Wargeyska VG oo warbixin dheer ka sameeyay qaabka dhimashada ninkan, ayaa qoray in boolisku ay ninkan dhintay u adeegsan jireen sidii uu xog uga keeni lahaa koox dambiiley ah oo ka howlgasha magaalada Tønsberg.

Wargeyska oo soo xiganayo ilo dhowr ah oo katirsan kooxda dambiileyda ah, ayaa sheegay in dad badan ay ogaadeen ama tuhmeen in Bård uu basaas u ahaa booliska, xogta kooxdana uu la wadaagi jiray hey’ addaha amniga. Sidaas darteed ay dad badan ku dabo jireen ninkan oo markii danbe uu dilay ninkii ay boolisku xogta uga dirsadeen.

Qareenka dacwadda ka gudbiyay booliska ayaa sarkaalkii qaabilsanaa la macaamilista ninkan geeriyooday ku eedeeyay inuu u diray howlgal uu ogaa inuu halis yahay. Hadana uusan si fiican u qiimeyn halista howlgalkan iyo dhibta kasoo gaari karto basaaska uu dirsiday.

VG ayaa soo bandhigay xogta iyo qoraaladda ay is dhaafsiisan jireen sarkaalka booliska ah ee ninkan qaabilsanaa iyo ninka geeriyooday. Qareenka qoyska dhibanayaasha ayaa booliska ku eedeeyay in boolisku aysan raacin shuruucda u degsan booliska ee la macaamilka basaasiinta ama dadka xog u keena hey’ addaha amniga.

Booliska ayaa diiday inay warbixin ka bixiyaan eedeynta lagu eedeeyay.

Xigasho/kilde: Politiet ba Bård skaffe opplysninger om en kriminell mann. Seks uker senere ble Bård skutt.

Warbaahinta: Korneyl katirsanaa dowladii Siyaad Barre oo lagu xiray Virginia.

0

Dambi baarayaasha Mareykanka ayaa xiray sarkaal horey uga tirsanaa ciidamada Soomaaliya ee dowladdii Maxamed Siyaad Barre oo hadda ku nool magaalada Springfield ee gobolka Virginia.

Baaritaan ay sameysay Waaxda Amniga gudaha Mereykanka ee Homeland Security ayaa lagu sheegay in Colonel Yuusuf Cabdi Cali oo loo yaqaan Tuke lagu eedeynayo inuu galay xadgudubyo ka dhan ah xuquuda aadanaha, kuwaas oo sida la sheegay uu u gaystay shacab Soomaaliyeed, sanadihii 1980. Danbiyada korneylkan lagu eedeynayo inuu geystay xiligii uu xukumay birgade katirsan ciidankii xooga dalka Soomaaliyeed ayaa sida lagu xusay eedeynta kamid ah dilal sharciga ka baxsan, jirdil, arxandarro, iyo xabsiyeyn aan sharci aheyn.

Taleefishinka CNN ayaa warbixin uu sameeyey 2019 ku sheegay in Tuke uu ahaa darawal Uber.

Dhammaadkii sanadkan, xeer-beegti ku sugan Virginia ayaa Colonel Tuke ku heshay inuu jirdil u gaystan nin xilligaas ahaa xoolo dhaqato, waxayna dhibbanaha ku abaal-mariyeen $500,000 oo magdhow ah.

Taleefishinka CNN ayaa warbixin uu sameeyey 2019 ku sheegay in Tuke uu ahaa darawal Uber.

Dhammaadkii sanadkan, xeer-beegti ku sugan Virginia ayaa Colonel Tuke ku heshay inuu jirdil u gaystan nin xilligaas ahaa xoolo dhaqato, waxayna dhibbanaha ku abaal-mariyeen $500,000 oo magdhow ah.

Colonel Tuke ayaa markan lagu soo oogay dacwad dambi. Dambi-baarayaasha ayaa sheegay in Khamiistii lagu xiray Springfield.

Dambi-baarayaasha Homeland Security ayaa sheegay in Tuke uu Gaashaanle Sare ka ahaa Ciidamada Xoogga Dalka, uuna ahaa taliyahaa Guutada Shanaad ee waqooyi galbeed Soomaaliya, intii u dhaxeysay May 1987 illaa July 1988, xilligaas oo dalka uu haystay kaligii taliye Maxamed Siyaad Barre.

“Inkasta oo qabsashada Yuusuf Cabdi Cali aysan soo celin karin xanuunka la tuhunsan yahay inuu u geystay dhibanayaasha xadgudubyadiisa xuquuqada aadanaha, haddana waxaan rajeynayaa inaan aragno isagoo ka jawaabaya kaalintii muuqata ee uu ku lahaa dambiyadaas foosha xun, ay nabad siin doonto dadkaas,” ayuu bayaan uu soo saaray ku yiri Derek Gordon, oo baaritaanada Homeland Security u qaabisaln agga Washington DC.

“Xafiiska Baaritaanada Homeland Security ee Washington DC (HSI) waxaa ka go’an ilaalinta muwaadiniinta sharciga u hoggaansan ee aagga Washington DC, halka aan sii wadeyno inaan raadinno kuwa damacsan inay ka faa’iideystaan ku xadgudubka kuwa kale.”

Tan iyo 2003, HSI waxa ay sheegtay inay xirtay in ka badan 480 qof oo loo haysto xadgudubyo la xiriira xuquuqda aadanaha, waxayna heshay amaro masaafurin oo ka dhan ah, Mareykanka-na looga saaray, 1100 qof oo la ogyahay ama looga shakisan yahay inay ku xadgudbeen xuquuqda aadanaha.

Xigasho/kilde: Former Somali army officer accused of torture arrested in Virginia.

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.