lørdag, april 27, 2024

Denmark: Ilmahooda ayay Soomaaliya u dhaqanceliyeen: Xabsi iyo Tarxiil.

Maxkamada magaalada Lyngby ee dalka Denmark ayaa hooyo iyo aabe soomaali ah ku xukuntay xabsi, kadib markii lagu helay danbi ah inay dhaqan-celis ahaan Soomaaliya ugu celiyeen labo caruur ah oo ay dhaleen. Aabaha ayaa waxaa xabsiga kadib, ay maxkamadu xukuntay in laga tarxiili doono dalka Denmark oo uu degenaa 26 sano.

Sida ay qorayaan warbaahinta lokalka ah ee magaalada Lynby, labadan waalid ee soomaalida ah ayaa dalka Denmark soo galay sanadkii 1995/96. Waxeyna sanadkii 2018 Soomaaliya dhaqan-celin ugu celiyeen labo ilmood oo ay dhaleen oo gabar iyo wiil ah.

Maxkamada magaalada Lynby ayaa isbuucan qaaday dacwad xasaasi aheyd oo u dhaxeysay laamaha booliska Denmark, iyo waalidkan soomaalida ah, kadib markii hooyadan iyo aabahan lagu eedeeyay inay dayaceen ilmahooda, ayna koritaanka dalka Denmark gaarsiiyeen dhaawac.

Gabadha: Waa la i jirdilay, wiilka wax ayaan soo bartay.

Maxkamada ayaa dhageysaneysay dacwad u muuqatay inay u dhaxeyso aabaha iyo hooyada oo dhinac ah, kuwaas oo taageero ka helayo mid kamid ah labada ilmood ee la dhaqanceliyay, waa wiilka e. Iyo laamaha dacwad oogayaasha Denmark oo dacwadood ku dhisay sharaxaada ay gabadha ay waalidkan dhaleen ka bixisay waxyaabihii ay kala soo kulantay markii lagu celiyay Soomaaliya.

Gabadha ayaa sheegtay in la qiyaanay, loona sheegay in fasax dalxiis ah loo geynayo Soomaaliya, balse markii danbe laga qaaday baasaboorkii, lana geeyay meel lagu barto quraanka. Halkaas oo ay kala soo kulantay jirdil iyo dayacaad. Waxeyna sheegtay in loo diiday inay wax xiriir ah la sameyso saaxiibadeed ay lasoo kortay, lana rabay in laga tirtiro xiriirkii ay la laxeyd bulshada Denmark oo ku dhex kortay.

Waalidka ayaa iska fogeeyay eeda gabadha, waxeyna sheegeen inay ilmahooda u geeyeen Soomaaliya, si ay usoo bartaan dhaqankooda iyo afkooda. Waxaana sharaxaada waalidka adkeeyay wiilka ay dhaleen oo sheegay inuu waxyaabo wanaagsan Soomaaliya kasoo bartay.

Maxkamada ayaa marka ay dhageysatay sharaxaada labada dhinac, waxey rumeysatay sharaxaada gabadha iyo cadeymaha ay soo bandhigeen laamaha booliska, kuwaas oo ay kujireen sawiro laga qaaday gabadha intii ay Soomaaliya joogtay. Waxeyna labada waalidka ah ku xukuntay inay galeen danbiga lagu soo eedeeyay.

Maxkamada Lyngby ayaa aabaha dhalay caruurta ku xukuntay hal sano oo xabsi ah, halka hooyada lagu xukumay 6 bilood oo xabsi ah. Aabaha ayaa waxaa xabsiga u dheer in lagu xukumay in laga tarxiilayo Denmark, marka uu dhameysto xukunka.

Kiiskan ayaa noqonayo markii ugu horeysay oo waalid loo xukumo kiis la xiriira dhaqan-celin.

Xigasho/kilde: Far udvises for at have sendt datter på genopdragelseslejr i Somalia.

Anklager kræver somalisk par udvist for genopdragelsesrejser.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x