fredag, mars 29, 2024

Aniga iyo gabadheyda yar ee labada sano jirtaba, waxey leeyihiin magangalyo uma baahnideen

Wargeyska Adressavisen ayaa gurigeeda ku booqdey gabar soomaali ah oo kamid ah dadka  soomaaliyeed ee sharciyadooda magangalyada dib loo qiimeeyay. Gabadhan iyo gabar 2 sano jirto oo ay ayadu dhasheyba, waxaa loo soo direy warqad loogu sheegayo in magangalyadoodii dib loogala noqdey. Gabadha yar ee labada sano jirto, waxey ku dhalatey Norway. (Warkan Adressa avisen oo af norwiiji ah, hoos ka akhri).

[adsenseyu2]

 

Hooyadan oo magaceeda iyo wajigeedaba qarisey ayaa Norway timid sanadkii 2012 bishii Juni, iyadoo kasoo carartey amni xumada soomaaliya ka taagan ilaa hadana jirto. Dhowr bilood kahor ayey heshay warqada digniinta sharci kala noqoshada ah, iyadoo lagu wargeliyay in sharcigeedii magangalyo dib looga ceshanayo, maadaama aysan hada magangalyo u baaheyn, xaalada amanaa ee soomaaliya uu soo hagaagtey owgeed. Sidoo kale waxaa digniin sharci kala noqosho ah la siiyey gabadha yar ee Norwey ku dhalatey. 

Qareenka u doodayo hooyadan iyo gabadheeda yar, ayaa cabasho ka gudbiyey go-aanka UDI-da ee qoyskan ku saabsan. Wuxuu sheegay inay wali dagaalo ka socdaan gudaha Soomaaliya, iyada oo hooyadan ay si fiican hada ula qabsatey deegaanka Trondheim, ayna masuul ka tahay gabadha yar ee labada sano jirto. Qareenka ayaa sheegay in labadan gabdhood aysan jirin cid u joogto Soomaaliya oo qaraabo ah, isla markaana ay la kulmi karaan nolol adag oo ciriir ah hadii Soomaaliya lagu celiyo.

Hooyadan ayaa sameysay go-aan geesinamo ah, maadaama ay sheekadeeda la qeybsatey warbaahinta. Sidoo kale waxey qarisey wajigeeda iyo magaceeda, maadaama ay ka dhalatey bulsho xan iyo war badni ilaahey ku ibtileeyay. 

Xaalka naxdinta leh ee qoyskan soomaaliyeed uu ku suganyahay maanta, waxey horudhac u noqon karaan sheekooyin kale oo argagax leh, kuwaas oo ka dhalan kara arinta dib u qiimeynta sharciyada magangalyada. 

Dowlada Norwey ayaa muwaadiniinteeda uga digeyso iney u safraan Soomaaliya, maadaama aysan ka jirin amaan la isku haleyn karo. Balse gabar yar oo Norwey ku dhalatey, aduunyo kalena aan indho saarin ayaa la rabaa in loo diro wadan eysan waligeed arkin.

Maalin kahor ayuu wasiir hadliye lahaa Soomaaliya nabad ayaa ka jirto ee kaalaya soo noqdo, isaga oo Norway garab ku siinayo arinta celinta qoxootiga. Hadey Soomaaliya nabad la isku haleyn karo kajirto, maxey qoysaskooda iyo ilmahooda dibada uga soo rari waayeen oo wadanka dhinac uga dagi waayeen. Raga ku hoos nool kaaraha iyo taangiga Amisom, yaa markii horeba u wakiishey iney metalaan haween iyo caruur daafaha caalamka ku dhibaateysan?

Kilde/Xigasho: Adressa.no

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x