torsdag, april 25, 2024

Erdogan: Sweden ha mamnuucdo gubitaanka quraan, hadii ay Nato rajo ka qabto.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii sheegay in Turkigu aanu ogolaan doonin in Sweden ay ku biirto gaashaanbuurta NATO, illaa iyo inta dalkoodu ogol yahay inay dhacaan mudaharaado lagu xumaynayo kitaabka barakaysan ee Quraanka Kariimka ah.

Dalka Turkiga ayaa in muddo ah hortaagnaa in dalalka Sweden iyo Finland ay ku biiraan isbahaysiga milateri ee dalalka reer Galbeedka, ka dib markii uu Turkigu si weyn uga cadhooday banaanbaxyo dhawr ah oo lagu qabtay Stockholm, kuwaas oo kitaabka quraanka ah lagu gubay afaafka hore ee safaaradda Turkigu ku leeyahay Sweden, isla markaana deldelay sawirta Erdogan, iyo weliba in dalka Sweden uu martigeliyo xubno mucaarad ku ah Turkiga, kuwaas oo Turkigu ku daray liiska argagixisada.

Haatan waxaa dib loo dhigay shir muhiim ah oo ka dhici lahaa Brussels, kaas oo lagaga hadli lahaa xubinimada labadan dal, maadaama Turkigu uu si cad u sheegay inaanu u codaynayn in Sweden ay ku biirto gaashaanbuurta NATO.

«Sweden waxaan leeyahay, ha isku mashquulin [inaad hesho ogolaanshahayaga], inta aad ogolaataan in Kitaabkayaga Quraanka ah la gubo lana jeexjeexo, xilli ay laamaha ammaankuna la qabaan falkaas, naga heli maysaan inaan ‘Haa’ ugu codayno inaad ku biirtaan NATO» ayuu yidhi Erdogan.

Masuuliyiin ka tirsan dawladda Sweden ayaa iska fogeeyey mudaharaadada, iyaga oo xidhiidh ka dhexeysiiyey, mudaharaadada dhacay iyo ilaalinta xorriyadda hadalka.

Talaadadii, ra’iisal wasaaraha Sweden Ulf Kristersson ayaa dhaleeceeyey kooxaha soo abaabulay bannaanbaxyada.

Xigasho/kilde: VOA SOMALI

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x