Sweden iyo Finland oo joojiyay qoxootigii ay ku celin jireen dalkan

0
218

Dowlada Sweden ayaa noqotay dowladii labaad ee dalalka Nordica ah, taas oo soo saartay go´aan lagu joojinayo tarxiilka qoxootiga reer Afgaanistaan ee diidmada ka heysta sharciyada magangalyada.

War saxaafadeed kasoo baxay hey´adda agaasinka qoxootiga dalka Sweden ee «Migrationsverket» ayaa lagu sheegay in dowlada Sweden ay gabi ahaanba joojineyso tarxiilka qoxootiga reer Afgaanistaan ee diidmada ka heysto codsiyada magangalyada. Iyada oo go´aankaas lagu sababeeyay xaalada Amni ee dalka Afgaanistaan oo uu isbadal xoogan ku yimid, kadib markii ay deegaamo badan oo dalkaas kamid ah ay la wareegeen ururka Taalibaan.

Dowlada Afgaanistaan ayaa tobanka(10) ayaa dowladaha Yurub ka codsatay inay joojiyaan talxiilka dadka Afgaanistaan ee lagu soo celinayo dalka Afgaanistaan.

UDI: Wali go´aan ma aanan qaadan.

Dowlada Norway ayaan ilaa hada soo saarin go´aan ku saabsan xaalada qoxootiga reer Afgaanistaan ee dalkan Norway, heystana diidmada magangalyada.

Hey´adda qoxootiga ee UDI-da ayaa sheegtay inay wali qiimeyn ku wado, si dhowna ula socoto xaaladaha amni dalka Afgaanistaan, gaar ahaan magaalada Kabul iyo meelaha kaleba.

Xigasho/kilde: SVERIGE STANSER TVANGSUTSENDELSER TIL AFGHANISTAN.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments