Hey´adda caafimaadka dadweynaha ee FHI ayaa wax ka badal ku sameysay xeerarka qabanayo dadka kasoo galo dalalka Yurub qaarkood.

Xeerka cusub ayaa sheegaya in qofkii kasoo galo dalka Ingiriiska oo kale, uu ku qasbanaan doono inuu galo hotell karantiil, Laga bilaabo 19-ka bishan Luulyo(7).

Sidoo kale dadka ka imaada Belgimka, Faransiiska, Giriiga iyo malta ayaa iyagana gali doono karantiil guriga ah marka ay Norway soo galaan.

Hey´adda ayaa sheegtay in isbadalkan cusub uu imaaday, kadib markii qiimeyn lagu sameeyay xaaladihii ugu danbeeyay ee faafitaanka feyruska covid-19 ee dalalka Yurub.

Hoos ka fiiri qiimeynta dalalka ee cusub: Micnaha midabka:

Cagaar: Qofka loogama baahno karantiil iyo inuu isku baaro xuduudka, laakiin waa inuu iska diiwaangaliyaa liiska soo galitaanka.

Dhamaan midabada kale waxaa ugu yaraan qofka laga rabaa inuu iska baaro corona, uuna galo karantiil. Halka guduudka aadka ah looga baahanyahay inuu qofku karantiilka ku qaato hotell.

Xigasho/kilde: Nye reiseregler: Kypros og Storbritannia får krav om karantenehotell.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

1 Comment
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments
NUUTA
NUUTA
11 days ago

Asc
Waxa sual kaqaba sharciga sobaxay 16 kii 19 kana hirgelaya ee kusabsan STORBRITANNIA siden ugasogarna inaan solabano inagoon hotel karatil gelin??