Shaley ayay xilka reysulwasaaraha ka qaadeen: Maanta ayay hadana soo magacaabeen.

0
95

Gudoomiyaha baarlamaanka dalka Sweden, Andreas Norlén ayaa soo jeediyay in Stefan Löfven mar kale laga dhigo reysulwasaaraha dalka Sweden. Kadib markii ay baarlamaanku Stefan ka qaadeen xilka reysulwasaarinimo 2 isbuuc kahor (Halkan ka akhri).

Arrintan ayaa timid kadib markii musharaxii kale ee baarlamaanku ay ka codsadeen inuu soo dhiso dowlad cusub, Ulf Kristersson oo ku guuleysan waayay inuu dhisi xukuumad wadaag ah oo aqlabiyad ka hesha golaha baarlamaanka Sweden.

Stefan Löfven oo todobadii sano ee ugu danbeeyay ahaa reysulwasaaraha dalka Sweden, ayaa sheegay inuu aqbalay soo jeedinta baarlamaanka, uuna dhawaan soo dhisi doono xukuumad cusub oo ka talisa dalka Sweden.

Xigasho/kilde: TALMANN FORESLÅR STEFAN LÖFVEN SOM STATSMINISTER.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments