Danab/Biriq labo gabdhood oo walaalo ah ku dilay duleedka Ålesund.

0
191
Foto: Skjermdump/TV 2

Buurta Melshornet ee duleedka magaalada Ålesund ee dalkan Norway, wuxuu shaley danab(biriq) ku dilay/dishay labo gabdhood oo walaalo ah, da´ahaana kala jiray 18 sano iyo 12 sano. Danabka ayaa sidoo kale dhaawac xoogan gaarsiiyay gabar kale oo walaal la ah labadda(2) gabdhood ee geeriyooday, taas oo dhaawaceena loo duuliyay isbitaalka magaalada Bergen.

Sadexda(3) gabdhood ee danabka uu ku qabsatay dusha sarre ee buurta Melshornet ayaa kasoo jeedo magaalada Oslo, waxeyna deegaankaas u tageen dalxiis. Labada gabdhood ee geeriyooday ee walaalaha ah ayaa lakala dhihi jiray Benedicte iyo Victoria Myrset.

Duqa deegaanka Hareid oo ah deegaanka ay kutaal buurta ay gabdhuha ku geeriyodeen, ayaa warbaahinta u sheegay in hawadu ay shaley aheyd mid qurux badan oo fiican, kahor inta aysan gabdhuhu aadin dalxiiska buurtaas. Laakiin wuxuu xaqiijiyay inuu jiray roob xoogaa ah, oo markii danbe isku badalay mid xoogan oo gugac iyo danab wato.

Duqa magaalada Oslo, Mariane Borgen ayaa sheegtay ayaa dhankeeda sheegtay in dhacdadan ay tahay mid xanuun badan oo aad saameyn ugu yeelatay reer Oslo oo gabdhaha geeriyooday ay kasoo jeedeen.

Xigasho/kilde: To kvinner omkommet etter lynnedslag.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments