FHI: Dalalkan ayaad u safri maanta laga bilaabo.

0
96

Hey´adda caafimaadka dadweynaha Norway ee FHI ayaa soo saartay liiska dalalka cusub ee ku biiray dalalka loo yaqaan cagaarka ee qofku hadii uu ka imaado(kasoo galo) uusan karantiil ku gali doonin Norway. Inta badan dalalka Yurub, marka laga reebo gobolo kamid ah Sweden iyo dalka Ingiriiska ayaa lagu daray dalalka cagaarka ah.

Qeexid dal cagaar ah: Hadii aad kasoo gasho dalkaas(safar kaga imaato), laguma galin doono karantiil hotell ama mid guriga ah.

Hey´adda FHI ayaa dhamaan dalalka ku dartay liiska dalalka cagaarka ah: Denmark, Finland, Gobolo Sweden ah, Belgimka, Faransiiska, Giriiga, Talyaaniga, Malta, Polen, , Switzerland iyo Germany Tyskland.

Sidoo kale gobolada Sweden ee kala ah: Dalarna, Gotland, Gävleborg, Halland, Jämtland, Skåne, Stockholm, Södermanland, Uppsala, Västerbotten, Västernorrland, Västmanland, Västra Götland, Örebro iyo Östergötland ayaa lagu daray khariidada cagaarka ah ee qofku uu karantiil la´aan ka imaan karo.

Inkasta oo Norway ay ogolaatay in dalalkaas karantiil la´aan laga soo gali karo, hadana dal walba wuxuu leeyahay shuruuc u gaar oo ku saabsan corona feyrus iyo safarada. Sidaas darteed hey´adda FHI ayaa dadka ugu baaqeyso inay aad u akhriyaan shuruucda dalalka ay rabaan inay u safraan, kahor inta aysan safrin.

Dalka Ingiriiska oo uu aad ugu faafay nooca corona ee dalka India ka imaaday, ayaan ku jirin liiska dalalka cagaarka ah. Waxaana la galiyay liiska guduudan, kaas oo ka dhigan in qofkii kasoo galo Ingiriiska uu gali doono karantiil.

Hoos ka fiiri khariidada dalalka iyo micnaha midabada:

Xigasho/kilde:Kilde: Folkehelseinstituttet
Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments