Maku wareertay micnaha midabada xeerarka safarka ee dalalka Yurub: Waa kuwan micnahooda

0
155
Shirka jaraa´id ee dowlada. Foto: Ida Dahl Nilssen/Statsministerens kontor.

Hey´addaha caafimaadka, hey´addaha kale ee dowliga ah iyo warbaahinta ayaa aad u adeegsado midabo(Cagaar, Orangi iyo Guduud) marka ay ka hadlayaan xeerarka safarka ee dadka Norway imaanayo iyo waxyaabaha looga baahanyahay.

Dad badan oo isugu ajaaniib iyo Norwiiji dhalad ahba, waxey dhibaato ku qabaan fahanka micnaha midabadan iyo qaabka uu qofku u fasiran karo shuruudaha looga baahanyahay.

Waxaan halkan kusoo koobeynaa micnaha midabadan la galiyo dalalka Yurub, marka laga hadlayo xeerarka safarka ee Corona:

Cagaar(Grønn): Qofkii ka imaado(kasoo galo) dal kamid ah liiska dalalka cagaarka ah, waajib kuma ahan in baaritaanka Corona uu soo maro, uuna jawaab Negativ ah wato kahor inta uusan Norway usoo safrin. Balse qofku waa inuu buuxiyaa warqada isdiiwaangalinta soo galitaanka ee qofka dalka soo galayo(Innreiseregistrering), wuxuuna xuduudka Norway ku marayaa baaritaanka Corona.

Oranji(Huruudi): Qofkii kasoo galo dal kamid ah liiska dalalka huruudiga ah(Orangi), wuxuu la shardi noqonayaa oo kale qof kasoo galay dal kamid ah liiska dalalka guduudka ah(Hoos fiiri).

Guduud caadi ah: Qofkii kasoo galo dal kamid ah liiska dalalka guduudka ah, 1) waa inuu kow wataa cadeynta baaritaanka Corona oo negativ ah, 2) waa inuu buuxiyaa warqada isdiiwaangalinta soo galitaanka dalka, 3) Waa inuu hadana xuduudka Norway ku maraa baaritaanka Corona 4) Waa inuu galaa karantiil uu gurigiisa ku galayo.

Guduud xoog ah( Guud-madow xigeen ah): Qofkii kasoo gala dal kamid liiska dalalka guduudka xoogan ah: 1) waa in wataa cadeynta baaritaanka Corona oo negativ ah, 2) waa inuu buuxiyaa warqada isdiiwaangalinta soo galitaanka dalka, 3) Waa inuu hadana xuduudka Norway ku maraa baaritaanka Corona 4) Qeybta koowaad ee Karantiilka wuxuu ku qaadanayaa Hotellka Karantiilka, kadibna wuxuu qeybta danbe ee Karantiilka kusii qaadan doonaa gurigiisa.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments