Isaga oo dalka ka maqan ayuu NAV Lacagta A.A.P ka qaadanayay: Maxkamad ayaa lasoo taagayaa

0
196

Waxaa maxkamada Fredrikstad dhawaan lasoo taagi doonaa nin 69-sano jir ah oo ku eedeysan in sifo aan sharci aheyn uu NAV uga qaatay 340.000 kr oo lacagta Norway ah.

Ninkan ayaa ku eedeysan in lacagta dadka shaqada xanuun ama dhaawac dartiis uga fariisto ee Arbeidsavklaringspenger uu ka qaadan jiray NAV, isaga oo aan NAV u sheegin inuu ku noolaa dalka Thailand.

Sharciga NAV ayaa dhigaya in qofku uusan lacagta A.A.P qaadan karin, hadii uu u guuro meel ka baxsan dalalka EU-da iyo dalka Switzerland. Ninkan ayaa xiliga uu lacagta ka qaadanayay NAV ku noolaa dalka Thailand, waxeyna hey´addaha xeer ilaalintu kusoo oogi doonaa in NAV uu si khiyaano ah uga qaatay lacag uusan xaq u laheyn.

Xeer ilaalinta booliska ayaa sheegay in ninkan uu NAV usoo buuxin jiray kaarka diiwaangalinta ee Meldekort-ka, waxaana lacagta uu qaadanayo looga xisaabin jiray macluumaadka uu kusoo gudbiyo meldekort-ka.

Booliska ayaa ninkan kusoo oogi doono dacwad kale oo la xiriirto inuu hey´addaha dowlada u gudbiyay macluumaad aan sax aheyn.

Politiet: Mann (69) mottok ulovlig Nav-penger mens han var i Thailand

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments