Maxkamad kutaal dalka Holland ayaa 20 sano oo xabsi ah ku xukuntay nin 49 sano jir u dhashay Siiriyaan ah, kadib markii lagu helay danbi ahaa inuu qeyb ka ahaa dil loo geystay askari ka tirsanaa ciidanka dowlada Siiriya ee daacada u ahaa Madaxweyne Bashaar Al Assad.
Dhacdadan oo dhacday sanadkii ayaa waxaa la helay muuqaalka ninkan oo Holland qoxooti ku ah, kaas ah oo ka qeybqaadanayo dil toogasho ah oo lagu fulinayo askari katirsanaa ciidanka Assad, xiligaas oo uu socday dagaal u dhaxeeyo kooxaha kacdoonka ka waday gudaha Siiriya iyo ciidanka dowlada.
Maxkamada Holland ee xukunka ku riday ninkan ayaa adeegsatay xeerka ciqaabta ee ka qeybqaadashada xasuuq shacab iyo xadgudub ka dhan xaqa qofka bini-aadamka ah, maadaama askariga ay dileen uu ahaa qof isaga soo dhiibay, xiliga ay tooganayeen.
Xukunkan ayaa ah kii ugu horeeyay ee maxkamad kataal Holland ay xukun ku rido qof danbi ka geystay gudaha Siiriya.
Xigasho/kilde: SYRER DØMT I NEDERLAND FOR REGIMESOLDAT-DRAP.
wp_ad_camp_1
waa idin salaamayaa bahda norsom halkaas ka wada waad dadaalaysaan waxaad haysaan shaqo wanaagsan waxaan ahaya asxabta idinku xiran ustaad saciid m maad na waan salaamayaa
maalin wanagsan