Lillestrøm: Qof aroos dhigtay oo lagu dacweeyay arintan.

0
82

Dowlada hoose ee degmada Lillestrøm ayaa dacwad ka gudbisay qof dhigtay aroos ay feyruska Corona ka qaadeen 29 qof oo ku kala nool degmooyin kala duwan. Waxaana sidoo kale xiligan karantiil kujira ilaa 80 qof oo aroos ka qeybqaatat ama xiriir la leh dad xaflada arooskaas tagay.

Qofka arooska dhigtay ayaa lagu dacweeyay inuu jabiyay xeerka feyruska Corona, sida uu sheegay madaxa dowlada hoose ee degmada Lillestrøm. Waxaana lagu eedeeyay ineysan liis-gareyn ama diiwaangalin dhamaan dadka goobta joogay, taas oo keentay in waqti dheer lagu isticmaalo raadinta xogta dadkii xaflada arooskaas ka qeybqaatay.

Dowlada hoose ee Degmada ayaa sheegtay in dadka aroos ka qeybqaatay ay ka badnaayeen dadka la diiwaangaliyay. Waxeyna dacwada laga gudbiyay qofka arooskaas masuulka ka ahaa loo gudbiyay booliska oo baaritaan ku sameyn doono kiiska.

Xigasho/kilde: Lillestrøm kommune anmelder bryllupsarrangør etter smitteutbrudd.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments