Booliska: Awood uma heyno inaan dabagalno dadka aan xiran marada afka.

0
91
Foto: Politiet

Maanta oo Talaado ah, waxaa magaalada Oslo ka dhaqangalay sharci cusub oo shaley ay soo dajiyeen maamulka dowlada hoose ee magaalada Oslo. Kuna saabsan in waajib laga dhigay xirashada marada afka, marka ay dadku adeeg gaadiidka dadweynaha, hadii aysan markaas suurtogal aheyn in hal Mitir lagala fogaado. Halkan kasii akr

Dowlada Hoose ee Oslo ayaa sidoo kale shaley sheegtay inay ka fiirsan doonaan qaabka loo ganaaxi karo ama ciqaabi karo, qofkii aan fulin amarka dowlada hoose ama jabiya xeerka cusub ee xirashada marada afka.

Booliska Oslo ayaa maanta dhinacooda sheegay ineysan suurtogal ahaan noqon karin inay dabagalaan dadka aan fulin amarka xirasada marada afka, aysana u heynin awood shaqaale oo ay arintaas ku dabagalaan ama ay ku ciqaabaan dadka aan sameyn.

Balse waxey sheegeen inay la socon doonaan xaalada, ayna ku bixi doonaan hadii loo sheego inay goob ama meel ay kajirto dhibaato weyn oo fulinta amarkaas ah la xiriirta.

Xigasho/kilde: Oslo-politiet: Vi kommer ikke til å bruke ressurser nå på å følge opp munnbind-påbud.

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments