Xulka qaranka Sweden: Ciyaartoyda Talyaaniga ka ciyaara, yeysan noo imaan.

0
99

Ururka kubadda cagta dalka Sweden ayaa sheegay in ciyaartoyda xulka qaranka Sweden katirsan ee ka ciyaara horyaalka dalka Italy, aysan ka qeyb qaadan kulamada ciyaaraha soo socdo ee xulka qaranka.

Ciyaartoyda xulka qaranka Sweden katirsan oo ay kamid yihiin Robin Olsen, Albin Ekdal, Dejan Kulusevski iyo Ken Sema ayaa dhamaantood lagu wargaliyay inaysan kamid noqon doonin kulamada soo socdo.

Arrintaas ayaa lagu sheegay in looga hortagayo faafitaanka hargabka Corona-Virus oo aad ugu sii faafayo wadamada Yurub. Italy ayaa ilaa hada ah wadanka uu cudurku saameynta ugu badan ku yeeshay qaarada Yurub.

Xigasho/kilde: Sveriges landslag skroter spillere fra italiensk fotball.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments