Norway: Ajaaniibta isku dacwooneyso, halaga qaado dhiiga DNA.

0
175
Wasiirada cadaalada Norway

Dowlada Norway ayaa golaha baarlamaanka u gudbisay hindise sharciyeed ay rabto in isbadal lagu sameeyo sharciga soo galootiga, si dadka ajaaniibta ah ee dacwada qoysaska xareysanayo, looga qaado dhiiga baaritaanka DNA.

Dowlada ayaa sheegtay inay rabto inay ka hor tagto in wado aan sax aheyn qoys ahaan Norway lagu keeno dad, sidaas darteed ayay soo jeedinta ay baarlamaanka u gudbisay ku sheegtay inay rabto in dhamaan dadka isku dacwoonaya laga qaado baaritaan la xiriira dhiiga DNA(Hiddoside). Si loo cadeeyo xiriirka qoys ahaaneed ee dhiig ahaan ka dhaxeeyo.

Wasiiradda cadaalada Monica Mæland ayaa sheegtay in baaritaanka DNA-gu uu wax badan dowlada ka caawin karo in lagu hortago wax is dabo marin ku saabsan kiisaska qoysaska isku dacwoodo.

Xigasho/kilde: DNA-testing i familieinnvandringssaker.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments