113: Numberka gargaarka deg-dega ah: Fadlan, hana soo wicina hadii aad caafimaad qabtaan.

0
135
Foto: Wikipedia

Laamaha caafimaadka ayaa sheegtay in kumanaan qof oo su´aalo ka qaba cudurka Corona ay isdaba joog ah ula soo xiriirayeen numberka la numberka gargaarka deg-dega ah ee 113.

Waxeyna sheegeen in numberka 113 dhowr mar khadka laga saaray maalmihii ugu danbeeyay , dadka soo wacay oo kumanaan qof daqiiqadiiba gaarayay owgeed. Taas oo sababtay in kumaan qof oo kale oo gargaar deg-deg ah u baahnaa, ay khadka soo gali waayeen.

Laamaha caafimaadka ayaa sheegay in dadka ugu badan ee soo waca ee numberka 113 ay yihiin dad caafimaad qaba, balse raba inay helaan jawaabaha su´aalo la xiriira cudurka Corona.

Hey´addaha caafimaadka ayaa hada dadweynaha ka codsanayo inaan lasoo wicin telefoonkaas, si si caadi uu khadka ugu soo noqdo numberka 113, loona qaabilo kiisaska xaaladaha deg-degaha ah ee gargaarka caafimaad u baahan.

Hey´addaha caafimaadka ayaa dadka ka codsanayo inay joojiyaan wicitaanka telefoonka 113, hadii aysan jirin sabab halis caafimaad ah oo xiligaas taagan. Waxeyna dadka ka codsadeen inay fursad siiyaan dadka u baahan gargaarka caafimaad ee deg-dega ah.

Xigasho/kilde: Helsedirektoratet ber folk om å ikke ringe 113 eller 116117, dersom de er friske eller har spørsmål om koronaviruset.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments