Xidigii Arsenal: Wuxuu diiday inuu mushaarkiisa dhimo, kooxda ayaa laga ceyriyay.

0
154
Alex song

Xidigii hore ee kooxda Arsenal iyo xulka qaranka Camerun, Alex Song ayaa laga ceyriyay kooxda Sion ee dalka Switzerland, kadib markii uu diiday inuu aqbalo go´aan la xiriira in mushaarkiisa la yareeyo, xiliga xanibaada Corona-virus.

Song ayaa arintaas ka biyo-diidan, wuxuuna sheegay in loola dhaqmay si aan fiicneyn, isaga oo sheegay in qareenkiisu uu dacwad arintaas la xiriirta u diro xiriirka kubadda cagta ee Fifa.

Alex song ayaa lagu wargaliyay inuu aqbalgo mushaar dhan 12000 Uero ama 140.000 kr oo Norwiiji ah, waxaana loo soo raaciyay warqad looga codsanayo inuu saxiixo mushaar dhimista.

Xidigan usoo saftay kooxaha Arsenal iyo Barcelona ayaa diiday inuu saxiixo warqada, waxaana intaas kadib lagu wargaliyay in kooxda laga ceyriyay ama shaqada ciyaartoynimo laga fariisiyay.

Xiriirka kubadda cagta ee dalka Switzerland ayaa dhankooda taageeray Alex song iyo xidagaha kale ee shaqada laga fariisiyay, waxeyna sheegeen in loola dhaqmay qaab cadaalad daro ah.

NB: Halkan ayaad kala socon kartaa wararka NorSom News oo maqal iyo muuqaal ah, Barteena Youtube-ka(Subcribe/Abonner).

Xigasho/kilde: Profilen nektet lønnskutt og fikk sparken. Nå krever han jobben tilbake

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments