Wadaadka Krekar: Talyaaniga Corona-Virus ayaa ka dilaacay, lama iima tarxiilo karo.

0
135
Wadaadka Krekar.

Dowlada Norway ayaa isbuucyo kahor ogolaatay in wadaadka asalkiisu kurdiga yahay ee Najmuddin Faraj Ahmad, looguna yeero Mulla Krekar loo dhiibo dowlada dalka Talyaaniga, kadib markii maxkamad wadankaas ku taal ay ku xukuntay xabsi, danbi la xiriiro argagaxiso awgiis.

Qareenka Mulla Krekar, Brynjar Meling ayaa maanta sheegay in Mulla Krekar aan xiligan loo tarxiili karin dalka Talyaaniga, maadaama dalkaas uu aad ugu faafay viruska caabuqa Corona. Taasna ay dhibaato caafimaad u keeni karto Krekar oo da´ahaan ah qof waayeel ah, una nugul xanuunada faafa.

Qareenka ayaa sii raaciyay in maxkamada Krekar xukuntay ay kutaal magaalada  Bolzano oo kutaal woqooyiga dalka Talyaaniga ah, ahna meelaha uu cudurku sida aadka ah ugu faafay.

Krekar oo 63 sano jir ay ahaa da´ahaan kamid ah dadka u jilicsan inay qaadaan hargabka, isla markaana kamid ah guruubka ugu badan ee u geeriyooday viruska.

Qareenka Krekar ayaa tusaale usoo qaatay in Norway ay xiligan dadaal adag ugu jirto sidii dadka Norwiijiga ah ee ku sugan woqooyiga dalka Talyaaniga dib loogu soo celin lahaa Norway, si looga badbaadiyo caabuqa Corona Virus ee gobolkaas aadka ugu faafay.

Wuxuuna sheegay in xeerka xuquuqul insaanku uusan ogolaan karin in qof loo tarxiilo wadanka ay ka jirto xaalad adag oo caafimaad.

Xigasho/kilde: Frykter koronasmitte: Mener Krekar ikke kan utleveres til Italia.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments