304 qof: Tirada dadka laga helay Corona-Virus uu xowli kor ugu socoto Norway.

0
178
Foto: FHI

Sida ay saacad kahor sheegtay hey´adda caafimaadka dadweynaha, ilaa 304 qof ayaa dalkan Norway, ilaa hada laga helay caabuqa Corona Virus. Waxaana 24-kii saac ee ugu danbeeyay tirada dadka cudurka laga helay ku korortay 85 qof.

Dadka ugu badan ee cudurka laga helay, ayaa ah dad safar dibadda ah ku tagay wadamo uu cudurku aad ugu faafay iyo eheladadooda.

Balse hey´adda caafimaadka ayaa sheegtay in faafitaanka cudurku uu hada galay waji cusub, maadaama cudurka markii ugu horeyaysay laga helay dhowr qof oo aan wax xiriir ah la sameyn wadamada dibadda, cudurkana ka qaaday gudaha Norway.

Magaalooyinka qaar ayaa la baajayay shirar iyo kulamo waaweyn oo lagu balan lahaa in bishan Maarso la qabto, waxaana laga digay in la qabto kulamada ay isugu imaanayaan wax ka badan 1000 qof.

Kulamo katirsan tartamada ciyaaraha barafka ayaa iyagana la baajiyay, sidoo kale xisbiyada siyaasada ayaa baajiyay shirweynayaal ay ku balansaayeen in la qabto bisha gudaheeda.

Cudurka ayaa ilaa hada waxaa guud ahaan caalamka laga helay 114.000 qof, waxaana u dhintay dad ilaa hada inta la hubo kor u dhaafayo 4000 qof.

Xigasho/kilde: Flere enn 114.200 har hittil blitt smittet av coronaviruset. I Norge er 304 tilfeller bekreftet.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments