Qoyska boqortooyada: Waxaan yareyn doonaa salaanta dadka, cabsida hargabka Corona Owgii.

0
185
Foto: Faksimile NRK

Dhaxalsugaha boqortooyada Norway, ahna wiilka uu dhalay boqorka, Kronprins Haakon ayaa maanta sheegay in qoyska boqortooyadu ay yareyn doonaan salaanta gacanta ah ee dadweynaha, si ay uga hortagaan faafista viruska hargabka Corona.

Dhaxalsugaha ayaa sheegay inay jirto siyaabo badan oo dadka ay isku salaami karaan, iyaga oo aan gacanta iska salaamin. Wuxuuna raaciyay inay la kulmaan dad badan maalin walba, sidaas darteed ay ka feejig doonaan inay qeyb ka noqdaan faafista hargabka oo aad ugu sii faafayo Norway.

Qoyska boqortooyada ayaa sheegay inay arintan go´aansadeen kadib talo guud oo ay ka heleen dhakhaatiirta dadweynaha Norway oo dadka uga digay inay gacmaha iska salaamaan, si loo xakameeyo faafista hargabka.

Ilaa hada 192 qof ayaa viruska hargabka Corona laga helay Norway.

Xigasho/kilde: Kronprinsen: – Må konse for å begrense håndhilsing.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments