SSB: 80% caruurta soomaalida ah ee Norway kunool, waxey ku koraan saboolnimo.

0
151

Sida lagu sheegay warbixin iyo daraasad ay soo saartay wakaalada tirokoobka iyo xog uruurinta ee SSB, waxaa Norway sanadkii tagay ku noolaa 111.000 caruur ah, kuwaas oo ku noolaa nolol saboolnimo ah.

60% Caruurta Norway ku korta nolosha saboolnimada ah, ayaa ah caruurta ay dhaleen dadka soo galootiga ah. Sababta ugu weyn ee caruurtan ay ugu noolyihiin saboolnimada, ayay SSB ku sheegtay dakhliga soo gala waalidkood oo aad u hooseeyo, marka loo fiiriyo heerka nolosha iyo sicirka maciishada Norway. Iyo waalidkood oo dhaqaalahooda uu ku xiranyahay kaalmada dhaqaale ee dowlada.

Caruurta Soomaalida iyo Siiriyaanka:

Sida ay SSB warbixinteeda ku sheegtay, caruurta soomaalida ah ayaa ah kuwo ugu badan ee Norway gudaheeda ku korta noloshada saboolnimada ah. Waxeyna SSB tirokoobkeeda ku sheegtay in Norway ay sanadki tagay ku noolaayeen 11.000 oo caruur ah.

Ku dhawaad 80% caruurta soomaalida ah ee Norway ku korta, ayay SSB sheegtay inay ku koraan nolol saboolnimo ah, marka loo fiiriyo baahiyahooda joogtada ah ee ka baxsan nolol maalmeedkooda iyo dakhliga soo gala waalidkood. Waxeyna SSB warbixinteeda ku qeexday in caruurta soomaalida ay ku noolyihiin nolol saboolnimo ah, dhaqaalaha waalidkood oo aad u yar owgeed.

Waxaa soomaalida soo raaca qowmiyada wadanka ku cusub ee Siiriyaanka. Sanadkii tagay waxaa Norway kunoolaa 6000 oo caruur siiriyaan ah, kuwaas oo 60% kamid ah ay kunoolyihiin nolol saboolnimo ah.

Halkan kasii akhri: Nesten 111 000 barn vokser opp i fattige familier

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments