lørdag, april 20, 2024

Fawzi Warsame: Siyaasiga soomaaliga ah ee sanadka.

Fawzi Cabdirashiid Warsame oo ah siyaasi dhalinyaro ah oo katirsan xisbiga shaqaalaha(Ap), sanadkii lasoo dhaafayna kamid ahaa musharaxiinta golaha deegaanka Oslo, ayaa loo doortay siyaasiga soomaaliga ah ee sanadka.

Waxaa bilada siyaasiga sanadka ee soomaalida Norway bixisay ururka Innocent Norway oo ah urur kamid ah ururada samafalka ah ee Norway ka howlgala. Waxeyna bilad-sharafka siyaasiga sanadka kamid aheyd bilado dhowr ah oo la siiyay dad ka dhex muuqdo soomaalida Norway, kuwaas oo bulshada Norway siyaabo kala duwan uga soo dhex muuqday.

Fawzi oo ah gudoomiye ku xigeenka ururka dhalinyarada xisbiga shaqaalaha ee AUF, qeybtiisa Oslo, ayaa si aan joogto aheyd uga qeybgala shirarka golaha deegaanka magaalada Oslo.

Fawzi oo kusoo dhex barbaaray xisbiga uu katirsanyahay ee Ap, xilal kala duwana kasoo qabtay ururadiisa dhalinyarada, ayaa sanadkii 2017 kamid ahaa musharaxiinta ay xisbiga Ap usoo xusheen inay ugu tartamaan kuraasta baarlamaanka ee magaalada Oslo.

Sawirka: Siyaasiyiinta la sharaxnaa Fawzi Warsame. Foto: Skjermdupp/Innocent Norge
Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x