Frp oo qeylodhaan bilaabay: Xuduudka Norway hala xiro.

0
146

Isbuucii hore dowlada dalka Turkiga ayaa sheegtay inay fasaxeyso dadka qoxootiga ee dalkeeda ku sugan, kuwaas oo raba inay u gudbaan Yurubta woqooyi. Horey dowlada Turkiga ayaa heshiis kula jirtay EU-da, kaas oo ahaa ku saabsanaa in Turkiga uu xuduudkiisa ku celiyo qoxootiga raba inay Yurub usoo gudbaan.

Dowlada Turkiga ayaa sheegtay inay dalkeeda ku noolyihiin sadex milyan oo qoxooti ah, kuwaas oo u badan Siiriyaan kasoo qaxay dagaaladu ay reer galbeedku qeybta ka yihiin ee ka socdo gudaha dalka Siiriya.

Midowga Yurub ayaa ku baaqay shir deg-deg ah oo looga arinsanayo xaalad cusub ee soo korortay.

Sidoo kale dalka Giriiga ayaa sheegay inay xirayaan xuduudooda, mudo hal bil ahna aysan aqbali doonin wax codsi magangalyo doon ah.

Dalkan Norway, xisbiga Frp ayaa ku baaqay in la adkeeyo xuduudka Norway, si looga hortagi qoxooti badan oo Norway kusoo jaba, sidii dhacday sanadkii 2015. Waxeyna ku baaqeen in dib loo soo celiyo sharciyadii xiligaas looga hortagay xaaladii qoxootiga ee 2015.

Reysulwasaaraha Norway ayaa dhankeeda sheegtay in Norway ay leedahay awood ay ku qaabisho xaalad cusub oo qoxooti ah, sidoo kalena ay si dhow ula socon doonaan xaaladaha tahriibayaasha ku sugan xuduuda dalka Giriiga.

Xigasho/kilde: Frp-Siv til regjeringen: Steng grensene.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments