Solberg: Tartiib u adeegta!!, Dukaamada yaan cuntooyinka laga faaruqin.

0
205

Dalkan Norway waxaa labadii maalmood ee ugu danbeeyay ka taagneyd xaalad adag, kadib markii ay sii badatay tirada dadka laga helay caabuqa Corona Virus oo hada mareyso 703 qof.

Dowlada ayaa xaalad deg-deg ah wadanka soo rogay xaalad deg-deg ah, lana xiray iskuulada, xarumaha xanaanada iyo jaamacadah.

Kumanaan kun oo qof oo ka wel-welsan xaalada deg dega ah ee soo korortay ayaa maalmihii ugu danbeeyay aad ugu mashquulsanaa inay dukaamada cuntooyinka laga iibsado kasoo gataan cuntooyin dheeri ah, si ay ugu sii diyaar garoobaan xaalada soo korortay. Taas oo sababtay in la faaruqijiyo dhamaan dukaamada cuntooyinka, iyo kuwo alaabooyinka maalinlaha ah laga iibsado.

Dowlada ayaa dadka kula talisay inau gataan alaabooyin dheeri ah, balse waxey ka digeen inaan dukaamada la faaruqin, si aysan u dhicin xaalad deg-deg ah oo sabab la aan ku abuuranta.

Dukaamada ayaa dhankooda sheegay ineysan jirin sabab dadku ay aad ugu adeegtaan, maadaama ay hayaan keyd cunto oo loogu talagalay xaaladaha deg-deg ah.

Sidoo kale farmashiyaasha lagu iibiyo daawooyinka madax xanuunka iyo kuwo hargabka ayaa bilaabay ineysan dadka ka iibin wax ka badan hal baakad qofkiiba.

Xigasho/kilde: Erna Solberg: – Utrolig viktig at vi ikke begynner å hamstre.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments