Hada: Qofkii ugu horeeyay ee Corona u dhintay Norway.

0
156
Foto: CNN

Reysulwasaaraha Norway, Solberg ayaa daqiiqad kahor xaqiijisay in qofkii ugu horeeyay uu caawa fiidkii u dhintay caabuqa Corona Virus.

Qofka u geeriyooday caabuqa Corona Virus ayay Solberg xaqiijisay inuu ahaa qof waayeel ah oo xanuunka uu soo ritay maalmo kahor, waxaana lagu daaweynayay isbitaalka Ullevål ee magaalada Oslo.

Isbitaalka Ullevål ee qofkan lagu daaweynayay ayaa iyagana bartooda Twitterka ku xaqiijiyay dhimashada qofka waayeelka ah ee geeriyooday Corona-Virus.

Ilaa 704 qof oo kale ayaa la xaqiijiyay inuu cudurka ku dhacay, waxaana karantiilay kumanaan qof, kuwaas oo wali aan la xaqiijin inuu cudurka ku dhacay iyo inkale.

Wixii arrimaha kusoo kordha dib ayaan kasoo galin doonaa.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments