torsdag, april 25, 2024

Dowlada: Lacag ayay xaq u leeyihiin waalidka guryaha ku hayo caruurta iskuulada laga xiray.

Dowlada Norway ayaa saaka ku dhawaaqday in dhamaan iskuulada iyo xarumaha xanaanada caruurta la xiri doono wixii ka bilowdo isniinta soo socoto, oo bisha maarso ay tahay 16, Si looga hortago isqaadsiinta caabuqa Corona Virus.

Xiritaanka iskuulada ayaa kamid ahaa ilaa 10 qodob oo dowlada norway ay soo rogtay, si looga hortago faafitaanka caabuqa Corona Virus oo Norway aad ugu sii fidiyo. Waxeyna dowladu maanta ku dhawaaqday xaalad deg-deg ah.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Norway, Torbjørn Røe Isaksen ayaa sheegay in waalidiinta guryaha ku hayo ilmaha laga reebay iskuulada, ay xaq u leeyihiin taageero dhaqaale. Iyada oo waalidoontaas ay ku qasbanaadeen inay shaqooyinkooda joojiyaan, si ay guryaha ugu hayaan caruurta iskuulada laga xiray. Halka waalidiinta qaarkood laga joojiyay shaqooyinkii ay aadi jireen, laguna qasbay inay guryaha xafiisyo shaqo ka dhigtaan.

Wuxuuna sheegay in dowladu hada ka fakareyso sidii sharci ahaan ay dowlada waalidintaas lacag xanaano ah loogu bilaabi lahaa.

Waxeyna dowladu sheegtay inay dhawaan soo saari doonto qodobo arintaas lagu shaacin doono.

Xigasho/kilde: Regjeringen gir omsorgspenger til foreldre med barn hjemme fra skole og barnehage.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x