RW Soomaaliya oo la kulmay safiirka Norway.

0
107
Reysulwasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre iyo wasiirka Arimaha dibadda Norway, Inne Ireksen.

Reysulwasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilsay safiirka Norway ee Soomaaliya, Elin B Rognlie.

Qoraal lagu soo daabacay barta Twitterka xafiiska reysulwasaaraha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in safiirka Norway warbixin laga siiyay xaaladaha isbadalada qaran ee ka hirgalay Soomaaliya, labada masuulna ay ka wada hadleen doorka ay Norway ku leedahay horumarinta mashruucyada dowligaah ee Soomaaliya gudaheeda laga wado.

Safiirka Norway ayaa sidoo kale booqatay xafiiska gudiga madaxa banaan ee doorashayooyinka Qaran ee Soomaaliya.

Norway ayaa kamid ah dowladaha taageerada dhaqaale siiyo dowlada federaalka ah ee Soomaaliya.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments