Norway: Xukunka maxkamada xuquuqul insaanka barnevernka waan aqbalnay, laakiin raaligalin ma bixineyno.

0
191
Maxkamada sare ee xuquuqul insaanka Yurub. Foto: Wikipedia

Maxkamada xuquuqul insaanka Yurub ee fadhigeedu uu yahay dalka Faransiiska, ayaa dowlada Norway ku xukuntay ilaa 4 kiis oo la xiriira hey´adda caruurta ee barnevernka. Waxaana wali maxkamadu aysan dhageysan ilaa 28 kiis oo laga soo gudbiyay dowlada Norway, gaar ahaan hey´adda barnevernka.

Dowlada Norway ayaa afarta kiis ee looga guuleystay maxkamada, waxaa lagu eedeeyay inay jabisay qodobka 8-aad ee xeerka xuquuqul insaanka Yurub, kaas oo dhigaya xaq lahaanshaha qofka ee nolol qoys oo gaar ah.

Dowlada Norway ayaa isbuucii hore sheegtay inay aqbashay xukunka maxkamada ee sadex kamid ah afarta kiis ee looga guuleystay. Waxaana Norway waajib ku noqon doono inay fuliso qodobada xukunka maxkamada.

Magdhow lacageed oo raaligalin la´aan ah:

Maadaama ay Norway aqbashay xukunka maxkamada, waxey magdhow lacageed siin doontaa waalidiinta dhibanahaasha ah ee kiisaska loo xukumay.

Wasiirka caruurta iyo qoyska Norway ayaa wali diidan inuu raali-galin siiyo waalidiinta kiisaska loo xukumay ee dhibta ka tabanaya dowlada, maxkamaduna ay xukuntay in danbi qaanuuni ah laga galay.

Waalidiinta kiisaska loo xukumay ayaa dowlada ka codsaday raaligalin rasmi ah, iyaga oo caro ka muujiyay sababta aysan dowladu ilaa hada raaligalin u bixin, xitaa hadii ay aqbaleen xukunka maxkamada xuquuqul insaanka.

Wasiirka qoyska ayaa mar kale ku celiyay inuu fahansanyahay dareenka qoysaska dhibta dowlada ka tabanayo, maxkamadana dowlada uga guuleystay, balse wuxuu wali diidanyahay inuu raaligalin bixiyo.

Xigasho/kilde: Godtar EMD-dommene, men vil ikke beklage barnevern-skandalen.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments