Stavanger: Soomaaligii ugu horeeyay ee hargabka Corona-Virus laga helay.

0
171
Foto: CNN

Sida ay war saxaafadeed ku xaqiijiyeen laamaha caafimaadka degmo kamid ah degmooyinka ka agdhow magaalada Stavanger ee gobolka Rogoland(Waan qarinay magaca degmada), qof kale oo dumar ah oo dhawaan fasax ku tagtay Woqooyiga dalka Itaaliya ayaa laga helay viruska hargabka Corona.

Sida ay sheegeen laamaha caafimaadka degmadaas, qofka dumarka ah ayaa baaritaan lagu sameeyay maalintii Talaadada aheyd, kadib markii ay kasoo noqotay fasax ay ku tagtay Woqooyiga dalka Itaaliya oo ah meesha uu Feyrisku ugu faafista badnaa qaarada Yurub. Waxeyna jawaabta baarista oo la helay arbacadii aheyd mid Positiv ah, taas oo muujineyay in jirkeeda laga helay viruska Hargabka Corona.

Sidoo kale Dad kale oo qofka kale dumarka ku weheliyay fasaxa ay ku tagtay dalka Talyaaniga, kuna nool gobol ka baxsan Rogoland, ayaa iyagana laga helay viruska hargabka Corona.

Norway: Soomaaligii ugu horeeyay(Inta la ogyahay):

Sida ay NorSom News u xaqiijiyeen dadka kunool Stavanger, qofka dumarka ah ee laga helay hargabka, ayaa ah gabar dhalinyaro soomaali ah oo dhawaan fasax ku joogtay dalka Talyaaniga, iyada iyo dhowr qof oo saaxiibo ay yihiin.

Qoyska gabadha laga helay hargabka, ayaa iyagana lagu sameeyay karantiilis gurigooda dhexdiisa, inta laga xaqiijinayo inay hargabka qaadeen iyo inkale.

Xaalada caafimaad ee gabadha soomaalida ah ee laga helay hargabka, ayaa naloo xaqiijiyay inay aad u fiicantahay, marka laga reebo calaamado kooban oo lamid ah kuwa hargabka caadiga ah oo kale.

Soomaali badan ayaan si dhab ah u qaadan inay qaadi karaan hargabka Corona, iyaga oo aaminsan in dadka madowga ah uusan hargabka ku dhicin. Balse arintan ayaa muujineyso in hargabku uu ku dhici karto qof walba, gaar ahaan dadka aan sameyn taxadar iyo isdhowris dhab ah.

113 qof ilaa hada oo Hargabka laga helay:

Sida ay xaqiijisay laanta ilaalinta caafimaadka dadweynaha Norway(FHI), waxaa caabuqa hargabka Corona, ilaa hada Norway laga helay 113 qof. Dhamaan xaalada dadka laga helay hargabka ee Norway ku sugan, ayaa ah mid aad u fiican, marka laga reebo xanuun kooban, sida ay xaqiijisay FHI.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments