Oslo: Meelaha khamriga lagu cabo oo la mamnuucay.

0
135

Golaha deegaanka Oslo ayaa galabta mamnuucay dhamaan goobaha lagu cabo khamriga, kadib markii ay sheegeen inay u hogaansami waayeen amarada looga hortagayo xanuunka Corona-virus.

Reymond Johnson, gudoomiyaha maamulka Oslo ayaa sheegay in xiligan adag ay muhiim tahay in la sameeyo wax walba oo looga hortagi karo faafitaanka Corona-virus.

Isbuucii hore ayaa goobaha lagu cabo khamriga lagu wargaliyay inay dadka goobahaas joogo ay isku jirsadaan hal mitir ugu yaraan, balse booliska oo kontroll ku sameeyay ayaa sheegay inay adagtahay fulinta amarkaas.

Sidaas darteed ayay Oslo kommune sheegeen inay hada guud ahaanba mamnuuceen ku cabista khamriga goobaha banaanka ah, balse goobaha khamriga lagu cabo ayaa wali iibin kara cuntooyinka.

Mamnuucistan ayaa ka bilaaban doonto caawa fiidkii, marka ay saacadu tahay 20:30.

Xigasho/kilde: Oslo forbyr skjenking av alkohol

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments