tirsdag, april 23, 2024

Norway oo diyaarad u kireysay dadkii wadooyinka ka tuugsan jiray.

Dowlada Norway ayaa diyaarad kiro ah u qabatay 180 qof oo u dhashay dalka Romania, kuwaas oo u badnaa dadkii ka tuugsan jiray wadooyinka magaalooyinka waaweyn.

Norway ayaa sheegtay in dadkan ay iyagu codsadeen in laga caawiyo sidii ay dalkoodii ugu noqon lahaayeen, cabsi ay ka qabaan cudurka Corona-virus owgiis.

Hey´addaha bisha Cas iyo Kirkens Nødhjelp ayaa dowlada gacan ka siiyay celinta dadkan lagu celiyay dalkoodii.

Norway ayaa wali aaminsan inay jiraan dad badan oo Norway joogo, kuwaas oo aan heysan guri ama hoy rasmi ah oo ay deganyihiin, xili ay dowladu dadka ku amartay inay guryahooda joogaan.

Xigasho/kilde: Her forlater rumenerne landet.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x