Kjell Ingolf Ropstad: wasiirka qoyska iyo caruurta. Foto: Twitter

Xisbiyada sadexda ah ee ku mideysan xukuumada ay hogaamiso Erna Solberg iyo xisbiga Frp ayaa ugu danbeyn dood dheer kadib, ku heshiiyay xeer cusub oo ku saabsan qaabka loola dhaqmayo ururada diimaha iyo goobaha cibaadada.

Frp ayaa ka tagay dhowr qodob oo ay horey ugu dhegenaayeen, waxeyna taas badalkeeda heleen oo loo fasaxay dhowr qodob oo horey iyaga loo diidanaa.

Fikirkii xisbiga Ap ee ku saabsanaa in urur walba oo diini ah oo dowlada ka hela dhaqaale, ay ugu yaraan lahaadaan 500 xubnood, ayaa la diiday in la meelmariyo.

Xeerka cusub oo dhawaan loo gudbin doono baarlamaanka, si loo meelmariyo ayaa qodobada ay Frp iyo dowladu ku heshiiyeen kamid ah:

  1. Sharciga cusub ayaa qeexayo in ugu danbeyn laga saaro dowlada iyo kaniisada.
  2. Urur diimeedku waa inuu ugu yaraan lahaadaan 50 xubnood, si ay taageero dhaqaale dowlada uga helaan.
  3. Waxaa lasoo jeediyay in goobaha cibaadada ee taageerada dhaqaale ka hela dowlada, sanad walba ay soo gudbiyaan warbixin ku saabsan qaabka sinaanta urur diimeedka dhexdiisa ah(Likestilling).
  4. Dowlada ayaa la wareegeyso dhamaan kaalmada dhaqaale ee la siiyo ururada diimaha, halka markii hore ay goobaha cibaadadu laba meelood oo kala duwan ka heli jireen taageerada dhaqaale(Gobolka iyo dowlada).
  5. Ururada diimaha waxaa ku waajib noqon doono inay soo gudbiyaan kaalmada dhaqaale oo ay ka heleen dalalka dibadda ah.
  6. Ilmuhu toos xubin ugama noqon doonaan urur diimeedka ay waalidkii xubnaha ka yihiin. Xiligan la joogo ururada diimaha iyo goobaha cibaadada ayaa kaalmo dhaqaale ku wada hela waalidka iyo ilmahoodaba.
  7. Goobaha cibaadadu waa inay ilaaliyaan, xurmeeyaana xuquuqda insaanka, xoriyada hadalka iyo xaq lahaanshaha qofka ee inuu fikir diimeed kale aaminsanaan karo.
  8. Ururada diimeed ee dhaqaalaha ka hela dalal kamid ah kuwo aan laga qadarin xuquuqda insaanka, waxey lumin karaan taageerada dhaqaale ee dowlada.

Xigasho/kilde: Regjeringen og Frp enige om ny lov for tros- og livssynssamfunn.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments