Norway: Ogolaansha shaqada, haloo dheereeyo shaqaalaha ajaaniibta ah.

0
129
Olaug V. Bollestad: Wasiiradda beeraha. Foto: Stortinget.no

Wasiiradda beeraha dowlada Norway, Olaug V. Bollestad ayaa sheegtay in dowladeedu ay ka fakareyso in la badalo xeerka soo galootiga, gaar ahaan kan qaabilsan shaqaalaha ajaaniibta ah, si ogolaanshaha shaqada loogu dheereeyo shaqaalaha ajaaniibta ah ee xiligan Norway ku sugan.

Xaalada xanuunka corona-virus ayaa sababay inay hoos u dhacdo tirada dadka awoodo inay ka shaqeeyaan beeraha iyo shirkadaha ka shaqeeyo wax soo saarka cuntada.

Waxeyna wasiiradu sheegtay in xiligan ay Norway ku suganyihiin boqolaal qof oo shaqaale ajaaniib ah, kuwaas oo ay dhawaan ay ka dhici laheyd ogolaanshaha shaqada. Waxeyna sheegtay in dowladu ay rabto in dadkaas loo cusbooneysiiyo ogolaanshaha shaqada mudo lix bilood ah, si ay dalka usii joogaan, aana loona waayin awood shaqaale.

Wasiirada ayaa sheegtay inay muhiim tahay in xiligan la helo shaqaale joogto ah oo ka shaqeeyo beeraha iyo warshada wax soo saarka cuntada, si aysan u dhicin xaalad cunto la´aan.

Xigasho/kilde: Arbeids- og sosialdepartementet vil forlenge oppholdstillatelsen til utenlandske arbeidere.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments