FHI: Dadkan ayaa baaritaanka Corona-virus la hormarinayaa.

0
145
Foto: FHI

Laamaha caafimaadka dalkan Norway, ayaa sheegay in isbuucii lasoo dhaafay ay lasoo xiriireen kumanaan qof oo sheeganaya inay isku arkeen calaamadaha xanuunka Corona-virus.

Balse waxey sheegeen inaysan awoodin inay baaritaan ku sameeyaan qof walba oo lasoo xiriira, sidaas darteed ayay sameeyeen guruub loo hormarinayo baaritaanada xanuunka Corona-virus.

Dadkan ayay xooga saarayaan laamaha caafimaadka inay baaritaan ku sameeyaan, maadaama ay yihiin dadka u nugul xanuunka ama uu saameynta xoogan ku yeelan karo:

  • Dadka xanuun dartii markii hore isbitaal u jiifay ama hada la dhigay.
  • Dadka degan guryaha lagu xanaaneeyo dadka waaweyn, iyo kuwo xanuunada gaarka ah qabo.
  • Inaad ka shaqeyso xarumaha caafimaadka, aadna isku aragtay calaamadaha xoogan ee xanuunka.
  • In da´aadu ay ka koreyso 65 sano, aadna qabto xanuunada qaarkood, gaar ahaan, Dhiig-karka, wadna-xanuunka, sokorta, kansarka, neefta(Astma), iyo xanuunada sambabada ku dhaca.
  • Inaad xiriir dhow la sameysay qof qaba xanuunka, aadna isku aragtay calaamadaha culus ee xanuunka, gaar ahaan hadii ay neeftu kugu istaagto ama aad xanuun joogto ah sambabada ka dareento.
  • Laamaha caafimaadka ayaa dhamaan dadka intooda kale, ka codsaneyso inay guryahooda joogaan, ay qaataan kaniinka xanuunka jabiya, ayna sugaan mudo 14 bari, ayna mar walba qiimeeyaan in xanuunka uu kasoo daray inay kasoo reynayaan

Xiliga sugitaanka telefoonada laga xiriiro xarumaha lagu baaro Corona-virus ayaa sidoo kale aad u dheer, waxaadna mararka qaarkood qadka ku jiri kartaa saacad iyo ka badan.

Halkan kala soco wararka NorSom News oo muuqaal ah(Subcribe ku samee)

Xigasho/kilde: Aftenposten.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments